Xubno katirsan Baarlamaanka 11aad ee JFS oo waddo olole ka dhan ah Xukuumadda Soomaaliya.

205

Xubno katirsan Golaha Baarlamaanka 11aad ee JFS oo waddo olole ka dhan ah Xukuumadda Soomaaliya.

Xildhibaanada Labada Gole ee Barlamaanka iyo Wasiirada Xukuumadda Magacaaban ee ka soo jeeda gobolada Galgaduud iyo Gedo ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaasi oo looga arrinsaday Xukuumadda cusub ee maalmaha ka hor lagu dhawaaqay.

Kulankaan ayaa dabo socdo mid habeen horey udhacay, xubanaha Barlanaamka labada gole ku jiro ayaa soo jeediyay in lagu xadgudbay awood qeybsiga Beelaha.

Wasiirada magacabaan ayaa tabashada ay qabaan Xildhibaanada ugudbiyay R/wasaraha Soomaaliya Xamze Cabdi Barre.

Kulanka xalay ayaa lagu falanqeeyay wixii ka soo baxay kulankii R/wasaaraha ay la soo qateen Wasiirada hayeesheena doonaya in wax laga qabto tabashooyinka jira

Madxweyne ku xigeennada maamulada Galmudug iyo Jubbaland oo qoraal wadajir ah soo saaray ayaa shaaciyay in aysan aqabalayn xukuumadda cusub, iyaga oo muujiyay tabasho ay ka qabaan sida loo dhisay Golaha Wasiiradda.

Weli reysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre kama uusan hadlin tabahsooyinka ay ka qabaan qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed dhismaha xukuumaddiisa cusub uuna horay isku casilay mid kamid ah wasiirrada la magacaabay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here