Xubnaha guddiyada Aqalka Sare oo maanta la ansixiyay (Akhriso Akhriso)

151

Senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maantaa yeeshay kulankoodii 8-aad ee Kalfadhiga Koowaad ayaa ansixiyay xubnaha guddiyada Aqalka Sare oo ka kooban sideed guddi.

 

Xubnaha guddiyada Aqalka Sare ayaa dhankooda iska dhax doortay guddoomiyaal, waxaana xildhibaanada Aqalka Sare qaab gacan taag ah ku ansixiyeen xubnaha guddiyadan Aqalka Sare ka kooban yahay.

 

 

 

Guddiyadan maanta xildhibaanada Aqalka Sare ansixiyeen ayaa afar kamid ah waxaa guddoomiyaal looga dhigay haween halka afarta kalana iyana rag looga dhifay, waxa ayna muujineysa in guddoonka guddiyada loo qeybsaday si siman.

 

Halkan ka Akhriso Sideeda guddi ee Aqalka Sare iyo guddoonadooda

 

1. Guddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka Sanatarrada, waxaa loo doortay Senator Cabdiwali Maxamed Ibrahim Xaabsade.

 

2. Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta waxaa loo doortay Senator Nimco-Ayan Hassan

 

3. Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada waxaa loo doortay Senator Deeqo Xuseen.

 

4. Guddiga Difaaca iyo Amniga waxaa loo doortay Senator Adam Abdinasir

 

5. Guddiga Arrimaha Dibadda, Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah waxaa loo doortay Senator Maryan Farah Kahiye.

 

 

 

6. Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arrimaha Bani’aadannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka waxaa loo doortay Senator Dr Cusmaan Dufle.

 

 

 

7. Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka, waxaa loo doortay Senator Zeinab Ismail Mohamed.

 

8. Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska waxaa loo doortay Senator Cabdi Dhuxuloow Dhagdheer

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here