Buuloburte iyo Jallaqsi

Qaraxa ka dhacay Buulaburte inta la xaqiijiyay 6 ayaa ku dhimatay Allaha u naxariisto oo 3 ka mid ah ay ku jireen masjidka weyn ee magaalada. Dad ku dhow 30 ayaa ku dhaawacmay kuwaas oo qaarka daran Muqdisho loo soo qaadayo dhaqsi inshallah.
Maalinta Sabtida waa maalinta suuqa iyo zaxmada , qaraxuna waxaa loo adeegsaday gaadiid kaas oo geystay burbur dhismayaal iyo goobo ganacsi.
Inta dhaawaca ah Alle ha bogsiiyo.

Qaraxyada ka dhacay Jalalaqsi waa labo qarax waxaana fashiliyay ciidanka oo rasaaseeyay . Dhimashada waa hal dhaawacuna waa 7 inta ilaa hadda la xaqiiyay.

Wixii soo kordha halkaan kalla soco