Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Xog: Xasaasi ah” Walax cagaar ah oo dhawaan hawada sare lagu arkay oo ku soo dhawaanaya dhulka
    Dibadda

    Xog: Xasaasi ah” Walax cagaar ah oo dhawaan hawada sare lagu arkay oo ku soo dhawaanaya dhulka

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 1, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Walax dhawaan laga helay samada sare ayaa maanta oo Arbaco ah aad ugu soo dhawaanaya dhulka.

    Cirbixiyeennada ayaa sheegaya in safarka walaxdaas uu dhulka u soo galay 50,000 oo sanadood.

    Sawirro ay soo qaadeen cirbixiyeenno ayaa muujinaya walax ku dadan midab cagaar ah.

    Hasayeeshee waxaa niyadjabi doona dadka filaya in cirka ay ku arki doonaan wax dhalaalaya, maadaama iftiinka walaxdaas aanan lagu arki karin isha bini’aadamka oo mutuxan.

    Waxaa suuragal ah inaad aragteen warbixinno sheegaya in iftiinka ka soo baxaya walaxdaas cagaarka ah uu ifin doono samada,” ayuu yiri Dr Robert Massey, agaasime ku xigeenka ururka ay ku midaysan yihiin cirbixiyeennada ee Royal Astronomical Society.

    “Nasiibdarro, wax noocaas oo kale ma dhici doonaan.”

    Si kastaba xaalku ha ahaadee, markii laga soo tago habaaska iftiinka walaxdaas iyo samada madow ee ka hoosaysa, waxaa suuragal ah inaad cirka ku aragtid calaamad – waa haddii aad og tahay waxa aad raadinaysid.

    Dadka dayaxa raacraaca ayaa ugu dhaw fursadda lagu arki karo walaxdaas weliba marka ay isticmaalaan qalabka wax lagu wayneeyo, markaas oo ay walaxdu ugu muuqan doonto sida walax caddaan ah oo uu humaag ku jiro oo aanan si fiican loo arkayn.

    “Xitaa ookiyaalaha wax lagu arko waad ku arki kartaa walaxdaas,” ayuu yiri Massey.

    Walaxdan loo yaqaan Comet, ayaa waxa ay ka samaysan tahay baraf iyo boor. Markii walaxdaas ay aaddo dhanka qorraxda, ayuu barafku bilaabaa inuu milmo halka habaaskuna uu soo daato, kuwaas oo sameeya xariiq dheer.

    “Haddii aad nasiib badan tahay, waxaad arki doontaa xariiqaasi halkaas ka soo baxaya, taasna waxa ay u egtay qeyb sare oo ka mid ah walaxdaas comet-ka ah,” ayuu yiri Massey.

    Cirbixiyeennada ayaa bishii Maarso ee tagtay waxa ay hawada gobolka California ku arkeen walaxdan lagu magacaabo comet ee ay ku asteeyeen C/2022 E3 (ZTF).

    Waxa ay heerkii ugu dhawaa Arbacada usoo gaaraysaa dhulka oo ah qiyaastii 41 milyan oo km.

    In walaxdaas la helay, waxa ay tilmaamaysaa buu yiri Massey, baadigoobkii ugu horreeyay ee xiddigga iftiinka badan ee loo yaqaan Pole, taas oo badanaa lagu arko isla bartaas cirka ah.

    Waxaad xiddiggan Pole ku arki kartaa inaad si toos ah u eegtid waqooyiga sidaas oo aad ku arki kartid xiddigga halkaas lulanaya.

    Waqtiga ugu wanaagsan ee la eegi karo waa saacadaha hore ee subaxa Khamiista marka dayaxa uu sii xaroonayo.

    Waqtigaas ayuu Comet ka soo muuqanayaa dhanka midig ee xiddigga Pole.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleAKHRISO:- Afar arrimood oo laga ogaaday dilalka qarsoodiga ah ee ay fuliso dowladda Sucuudiga
    Next Article Nibiri uu dhererkiisu dhan yahay 35 Feet ayaa ku soo caaryey xeelliga Badda Liido ee Xeebaha Newyork.

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    C.C. Shakuur oo shaaciyay xog aan laga ogeyn oo ku aadan Balaayiinta Dollar eek u baxday Soomaaliya

    February 9, 2023

    Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay munaasabadda lagu daahfurayay Qorshaha Ka falcelinta Baahiya Bini’aadannimo ee…

    Wararkii ugu dambeeyay Wareysi:- Taliye Xasan Faarax Guuleed” Dagaalka ka socdo Beerxaano waxaan AS uga dilnay 27 kamid ah kooxdaasi”

    February 1, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.