Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Xog: Mukhtaar Rooboow oo xiligii Nabad iyo Nolol loo soo bandhigay xil weyn
    Gudaha

    Xog: Mukhtaar Rooboow oo xiligii Nabad iyo Nolol loo soo bandhigay xil weyn

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 13, 2023No Comments3 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ahaa culimadii sida dhow ula shaqey jirtay dowladdii Farmaajo ayaa markii ugu horeysay shaaciyey talo uu Fahad Yaasiin siiyey intii aan Baydhaba laga soo xirin Sheekh Mukhtaar Roobow.

    Sheekh Cali oo wareysigaan siiyey Weriye madax-banaan oo lagu magacaabo Maxamed Cali Faracade ayaa sheegay in Fahad Yaasiin uu habeen la kulmay, isla markaana uu kala hadlay arrinta Sheekh Mukhtaar oo markaas musharax ahaa.

    Wuxuu sheegay in Fahad uu ka dalbaday in isaga iyo Sheekh Bashiir ayaa la hadlaan saaxiibkooda Mukhtaar Roobow oo doorashada ay ka reebaan, maadaama ay halkaas geysanayaan madaxweyne ay wataan.

     

    Markii uu Wasiirka amniga soo saaray warqadda Sheekh Mukhtaar loogu diiday doorashada K/Galbeed ayuu sheegay Sheekh Cali Wajiis inuu la xariiray Fahad oo markaas uu soo jeediyey in Sheekh Mukhtaar loo magacaabo Wasiirka diinta ee dowladda dhexe, isla markaana uu ogolaaday Fahad Yaasiin.

    Hase yeeshee wuxuu sheegay in diidmo adag uu kala kulmay Sheekh Mukhtaar oo Baydhaba ku sugan, isagoo u cadeeyey in Fahad iyo Farmaajo uusan aami doonin oo dhowr jeer ay balan uga baxeen.

     

     

    Fahad wuxuu i yiri hadda ku soo qanci Sheekh Mukhtaar wasaaradda diinta, isagoo Baydhaba jooga ayaan u magacaabeynaa, markaas waxaan wacay Sheekh Mukhtaar, anigoo ka qarinaya in Fahad aan wadahadalnay ayaan ku iri ninyahow maamul waxaba haku faline, waxaan ka culumo ahaan ku tashanay in wasaaradda diinta lagu geeyo,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

     

     

    Balse wuxuu sheegay in diidmo adag uu kala kulmay Mukhtaar Roobow, “Wuxuu I yiri Sheekh nimankaas wax dambe kuma darsanaayo, mana aaminaayo mar dambe, xitaa hadii ay i dhahaan R/Wasaare ayaan kuu magacaabeynaa,” ayuu yiri.

    Sheekha oo sii hadlaayey wuxuu sheegay in Mukhtaar Roobow uu xiligaas uga digay qataraha ku soo wajahan, maadaama ay kooxdii Farmaajo aad u diidaneed inuu u tartamo kursiga madaxtinimada K/Galbeed.

    “Wuxuu xiligaas Mukhyaar Roobow iigu jawaabay aniga afar xaaladood ayaa igu imaa karta, 1-in doorashada aan galo oo ku guuleysto, 2-inaan tartamo oo la iga guuleysto oo sidaas aan ku qanco, 3-in Baydhaba la igu dilo, 4-iyo in anigoo katiinadeysan Muqdisho la iga dejiyo, waan la yaabay maalintaas, waxayna noqotay in Muqdisho lagu soo xiro oo xaaladii oo qodobkii 4-aad uu la kulmo,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

    Waxaa xusid mudan in markii lasoo dhisay dowladaan Madaxweyne Xasan Sheekh deg deg wasiirka diinta loogu magacaabay Mukhtaar Roobow oo ku jiray xabsi ay gelisay dowladdi Farmaajo, wuxuuna hadalka Sheekh Cali Wajiis daaha karogayaa suurta galnimada in talo ay bixiyeen culumada lagu soo magacaabay Sheekh Mukhtaar.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleEX Xildhibaan Xanafi ayaa yiri Dabageed, ma mudna soo dhoweyn iyo maamuus sare, waa dambiile u baahan in la maxkamadeeyo
    Next Article Dagaalka Laascaanood oo waji kale yeeshay maanta+ qaraxyo waaweyn oo…

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Soomaaliya oo ku biirtay Uururka Xeer ilaaliyasha Bariga Afrika

    March 2, 2023

    Dowlad Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay in laga aqbalo codsiga ku biirista Ururka Xeer ilaaliyaasha…

    Taliska Booliska Koonfur Galbeed” Waa in laamaha amniga ka hortagaan weerarada Al-Shabaab

    January 27, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.