Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Xog: Mahad Salaad oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta amniga magaalada Muqdisho
    Gudaha

    Xog: Mahad Salaad oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta amniga magaalada Muqdisho

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 3, 2023No Comments2 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Agaasimaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa tan iyo markii uu yimid hay’adda wuxuu isbeddelo waaweyn ku sameeyay hanaankii ay NISA u shaqeynaysay, taasi oo sanadihii dambe si weyn ugu dhex-milantay arrimaha siyaasadda.

    Marka la iga imaado dib u qaabeynta NISA, sidoo kale waxa uu Mahad qaaday tallaabooyin qeyb ka ah qorshaha dowladda ay kula dagaalameyso kooxda Al-Shabaab, wuxuuna gudaha Muqdisho ka qortay dhar cad aad u badan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo-wareedyo lagu kalsoonaan karo.

    Mahad ayaa magaalada Muqdisho kusii dhex daayay dhalinyaro dharcad ah, si looga hortago falalka Shabaab ay ka fuliyaan gudaha caasimada dalka, islamarkaana ay hay’adda ugu suurta-gasho inay ka hortagto isku-dayada guracan ee kooxda.

    NISA ayaa xilligaan kaalin muhiim ah uga jirta dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab, ayada oo kor u qaaday howl-galada dhulka iyo cirka ee ay hay’adda ku bartilmaameedsaneyso xubnaha kooxda, kuwaasi oo mararka qaar iska kaashadaan saaxiibada caalamka.

    NISA ayaa sidoo kala haatan leh saraakiil dharcad ah oo jooga meelo ay kamid yihiin baraha kontaroolada gudaha iyo daafaha caasimadda si lamid ah garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

    Agaasimaha cusub oo durtaba ay muuqato natiijada isbeddelada uu ka sameeyay NISA, ayaa sidoo kale waxa uu ka shaqeeyay sidii ay hay’adda u yeelan lahayd sharci ay ku dhaqanto, si aysan madaxdeeda iyo hay’adda laftigeeda u dhaafin xuduudeeda.

    Sharciga NISA oo wax badan ka tari doona hab-tacaamulka hay’adda ee dadka ay soo xirto iyo guud ahaan hab-dhaqankeeda ayaa waxa hore u ansixiyay Golaha Wasiirada, ayada oo la horgeeyay Golaha Shacabka.

    NISA ayaa waxay hadda ku biireysa ciidanka iyo laamaha amniga ee sharciga ah ee dalka uu leeyahay, in sharci ay yeelato waxa laga faa’iidi doono in la helo dariiq isla xisaabtan maadama sharcigu yahay aas-aaska hay’add walba.

    Si kastaba, Khubarada amniga ayaa qaba in muhiim tahay in hanaanka shaqo qorista hay’adda lagu saleeyo xirfad iyo in ay iska dhex arkaan qeybaha kala duwan ee deegaanada Soomaalida taasi oo sarre u qaadi karta wada-shaqeyn iyo kalsooni ay ka hesho shacabka.

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleMW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo Baydhabo gaaray si uu uga qaybgalo wajiga 2aad ee Shirka Dib u heshiisiinta Koofur Galbeed.
    Next Article NABADOON GEED-SEEXDO AYAA YIRI DABAGEED IYO JEYTE MAXAY ISKU HEYSTAAN?

    Related Posts

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    RW Xamsa Cabdi Barre oo kormeer ku tegay Wasaaradda Caafimaadka

    March 9, 2023

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta  kormeer ku tegay Wasaaradda Caafimaadka…

    Madaxweyne Xassan Shiikh oo Magaalada Baydhabo ka daah-furay olole cusub

    January 18, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.