Xog Ka Cusub Saxiixa United Ee De Jong , Maxaa Haatan U Harsan ?

133

Kooxda Man United ayaa heshiis la gaartay xiddiga kooxda Barcelona ee Frenkie de Jong kaas oo ku saabsan soo qaadashada adeegiisa inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Red Devils ayaa doonaysa in ay xoojiso booska khadka dhexe ee suuqa kala iibsiga xagaaga ee sanadkan, gaar ahaan bixitaanka xiddiga reer France ee Paul Pogba

Manchester United ayaa soo bandhigtay rabitaan xoogan oo ay ku dooneyso Frenkie de Jong, kaasoo lala xiriirinayay inuu ka tagayo Barcelona, ​​tan iyo dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Waxayna Manchester United isku dayday inay heshiis la gaadho Barcelona, ​​maalmihii la soo dhaafay, oo ku saabsan kharashaadka dhaqaale ee heshiiska, laakiin taasi ma dhicin ilaa hadda.

Iyadoo ay taasi jirto, saxafiga Nicolas Scheria ayaa sheegay in Manchester United ay ku guuleysatay inay heshiis la gaarto De Jong oo ku saabsan heshiiska shaqsiga ah ee uu dhawaan ugu wareegayo Old Trafford.

Waxa uu sheegay in heshiiska labada dhinac uu dhigayo in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Holland uu saxiixo qandaraas socon doona 5 sano.

Waxa uu tilmaamay inay jiraan wadahadalo horumarsan wakhtigan oo u dhexeeya Manchester United iyo Barcelona oo ku saabsan heshiiska De Jong, iyadoo la og yahay in dalabka hadda ay soo bandhigtay kooxda Ingariiska lagu qiyaasay 70 milyan oo Yuuro xilli Barca ay dalbaneyso aduun dhan 85 milyan oo Yuuro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here