Xisbiyadii Xasile Haatano,Xaaku Waa Nabade,Xaraaradii Xaga Ururadayxoog Ku Leedahay.

123

BISMILLAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B]

TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHA.

 

XISBIYADII XASILE HAATANO,XAALKI NABADAWYE,

XARAARADII XAGA URURADAY,XOOG KU LEEDAHAY,

XEELADIYO XISAABAHA QARSOON,XAASILKAY TEGI,

XAQ MIYA IN URURADA LA FURO,XEERKIYOON JIRIN,

XEERJEBINTU WAA XAAL ABUUR,XAAJO DIBU RIIXID,

XEELAD KORODHSI DOONA,ASXAAB LAGU XAJIIMEYA,

XURGUF MURANKA DEMIWAYAYE,XAALKI LAGU DALAY,

XABSIYO XABADO LAYSLA DHACO,XIDHADA YEEDHAYSA,

XINIINYAHA RAG LAGA SAARAYBA,XALAY LA SHEEGAYEY,

XINJIR BURURTAYBA XIGI HADDUU,XUMUHU DHEERAADO,

XEERDEJINTEENAN IYO GUURTIDAAN,GUDAN XILKOODIIYE,

XUKUMADAY KA BAQAYAN MALAHA,SOO MAY XAADIRINE,

XALKA WAYNU WADA GARANAYNA,XAALKU UGUB MAAHA,

XAQIIQDA IYO RUNTA DIIDANTIIN,XAGAFSI DHEERAAD AH,

XAJIIMAYNTAN IYO BUUQA DHIMA,XAAMI UGU DEEQA,

XODXOTO XAGIINANA WUXUN,XAADIR UGU SHEEGTA,

XAAJADANA GUURTIDU IYAGA,XEER U CURIN DOONA,

XARXARIIQI DHAWRKII SANE,XAAJADA U DAAYA,

XAARAAN IYO XALAAL TA RABTAAN,XAY U KALA GOSTA,

XABADA KUWII LALA DHICIYO,QAAR XIDHXIDHAN MAANTA,

XISAABAHIINA KALA QAATA’OO,XADHIG KA SOO DAAYA,

XORNIMADA DADKANA DHAWRA,WAA XADGUDUBTANE.

                     ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.

AFEEF:

RADIOHALGAN.COM marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Radio Halgan dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here