Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa 9-aad ee Golaha Shacabka oo ajandihiisu ahaa qeybinta hindise sharciyeedka hay’adda sirdoonka iyo nabsugida Qaranka iyo hindise sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaangalinta dadweynaha.

 

Guddoomiyaha guddiga xeer-hoosaadka anshaxa iyo xasaannadda mudaneyaasha golaha shacabka Mudane Cabdisamad Macalin Maxamuud ayaa xildhibaannada u sharaxay xaadiridda fadhiyada Golaha, iyadoo uu sheegay in muhiim ay tahay isla-markaana Mudaneyaasha Golaha la doonaayo inay ka shaqeeyaan sharuucda muhiimka u ah dalka.

 

Xildhibaanada golaha shacabka ayaana loo qeybiyay hindise sharciyeedka hay’adda sirdoonka iyo nabsugida Qaranka iyo hindise sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaangalinta dadweynaha si ay usoo aqristaan ugana doodaan.

 

Guddoomiyaha oo soo xiray kulanka Golaha ayaa tilmaamay in laga soo shaqeeyo hindise sharciyeedyada loo qeybiyay golaha lana soo xaadiro fadhiyadda golaha shacabka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.