Xildhibaanada Baarlamaanka Labada Aqal oo shir deg deg ah berri yeelanaya

183

Mogadishu ( Radio Halgan) Gudoonka golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa fariin udiray xildhibaanada labada aqal baarlamaanka taas oo berri loo ballamiyey kulan deg deg ah oo ay iskugu imaanayaan berri oo Axad ah.

Berri kulanka ayaa waxa looga hadli doonaa akhrinta koobaad ee Miisaaniyada Dawlada 2022-ka,iyadoo Xildhibaanada loogu baaqay inay soo xaadiraan xilliga la ballamiyey.

Shirkaas oo ay xildhibaanada labada aqal iskugu imaanayaan waxaa lagu dhaarin doonaa Xildhibaan Sharafeedka aan dhici doonin Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Dastuurka u ogolaanayo.

Beri oo Axad  ah Tariikhdu tahay 12 June, waxaa jira Kulan weyne Wadajir labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Agendaha

Akhrinta kowaad ee Miisaaniyadda 2022.

Saacadu waa 09:00 subaxnimo iyo Xarunta Villa Hargeisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here