Ciiddanka Ammaanka ee Imaaradda Islaamka ee Afghanistan (The Islamic Emirate of Afghanistan) ayaa xaqiijiyey in Xildhibaanad hore, Mursal Nabizada lagu dilay magaalladda Kabul Waaberigii hore ee maanta oo Axad ah.

Haweeneydaasi oo ka tirsanayd Xildhibaanada Barlamaankii hore ee dalkaasi waxaa lala dilay mid ka mid ah Ilaaladeeda Khaaska.

Afhayeenka Waaxda Amaanka ee magaalladda Kabul, Khalid Zadran ayaa xaqiijiyey in Haweeneydaasi oo mar ahayd Wakiilka Gobalka Lagham ee Barlamaanka Afgaanistaan ay Dabley aan la aqoonin ku dileen gurigeeda oo ku yaalla Xaafadda Ahmedsha Baba Mena ee Degmadda 12-aad ee magaalladda Kabul.

Dableyda waxay kaloo dhaawacmeen Wiil iyada la dhashay, mana kala cadda sababaha la dambeeyey dilkaasi, mana jirto koox sheegatay mas’uuliyada dhacdadaasi.

Dilkaasi waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay dhawaanahan ay dilal iyo qaraxyo ka dhaceen Caasimadda dalkaasi ee Kabul.

Arbacadii la soo dhaafay oo ay taariikhdu ahayd December 1-dii, waxa uu Qarax ka dhacay meel u dhow Albaabka Weyn ee laga galo Dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo ku taalla Bartamaha magaalladda Kabul, kaasi oo geystay dhimasho, dhaawac iyo burbur.

Kooxda Daacish-ta Afgaanistaan ayaa sheegatay mas’uuliyada Qaraxaasi iyo kuwo kale oo ka dhacay dalkaasi.