Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare), oo kamid ah Golaha Shacabka BJFS ayaa sheegay in Puntland ay dayacday magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool, kaddib markii laga qabsaday 15 sano kahor.

Wareysi uu bixiyay Xildhibaan Sanyare ayuu ku sheegay in Puntland ay soo ceshan wayday Laascaanood iyo bulshadeeda, maantana aysan jirin sabab loo dhaho iyadaa u roon, maadama aysan gacanteeda ku jirin talana aysan ku laheyn.

“Puntland 15 sano kahor baa laga qabsaday waana ay dayacday oo waa soo ceshan wayday, ninka marka 15 sano kahor laga qabsaday oo aan u dhaqaaqin adaa u roon hada cidna oran mayso, gacantooda kumaba jirto talona kuma leh” ayuu yiri Xildhibaan Sanyare.

Sidoo kale, Guddoomiyihii hore ee gobalka Mudug ayaa ku eedeeyay maamulka Somaliland in uu dhibaato u geystay, uuna ilhaameystay bulshada Laascaanood, ayna tahay maanta xilligii bulshadaasi yeelan lahaayeen go’aankooda.

“Hadaan reer Laascaanood ahaan lahaa wax badan oo hada aan gudbin karin baan gudbin lahaa, awood badan baan yeelan lahaayoo ka gadisan midatan, in aanan Dhulbahante aheyn wax badan bayna i ogaleyn, laakiin hadaan dhulbahante ahaan lahaa meel baan dhagaxa u dhigi lahaa aan anigu ogahay” ayuu intaa ku daray Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare).