Xildhibaan Qoono oo markale soo qoray qormo koobeysa musuqa ka jira Maamulka Hirshabeelle

65

 

Qeybtii 2aad.

Markaad maqasho magaca Hirshabeelle durba waxaa maskaxdaada ku soo dhacaya maamulka maamullada dalka ugu liita oo aan lahayn madaxtooyo, xarun baarlamaan iyo hay’ado howlihii adeegyadii dadweynaha qabta oo aan xafiis lahayn, dad iyo deegaanno go’doonsan, kala shakisan, in ay wax isugu darsan yihiin aan aaminsanayn iyo hoggaan ku suntan musuqmaasuq iyo maamul xumo

■ Waxaa jira Mashaariic badan oo magaca Hirshabeelle lagu cunay dadka iyo deegaankana aan wax loogu qaban sida dhismayaashii madaxtooyada iyo aqalka baarlamaanka oo is hortaag lagu sameeyay in la dhiso, waddada xiriirisa garoonka diyaaradaha iyo magaalada Jowhar oo dhaqaalihii loogu talo galay la cunay

Ku dhawaad 15 shirkadood (Companies) ayaa loo sameystay in lagu cuno dhaqaalihii loogu talo galay fulinta mashaariicda deegaanka. Laba shirkadood ayaa inta la ogyahay si sax ah ugu guuleysatay dhismayaasha madaxtooyada iyo aqalka baarlamaanka ee maamulka, iyadoo markii dambe loo adeegsaday Shabaab si loo hakiyo dhismayaashaas horumarineed, waxaase cajiib ah sababta shirkadihii been abuurka loo sameystay ee magaca maamulka dhaqaalihii mashaariicda ku cuna aanay cidina ula hadlin, halka kuwii heeganka u ahaa horumarka deegaanka loo hakiyay qandaraasyadii ay ku guuleysteen, jawaabta kuu soo bixi kartaa waa in uu jiri kara isku milan maamulka iyo Shabaab ah, waxaana taa kuu caddeyn kara in afhayeenka maamulka Hirshabeelle oo horay u qiray in dhismayaashaas ay u baaqdeen arimo la xiriira Shabaab maamulkana u caalwaa

■ Hirshabeelle waa maamulka kaliya ee aan lahayn agaasimeyaal guud oo habraaca shaqaaleysiinta soo maray, hoggaankeeduna uma diyaarsana taas, waxaana markii afaraad fashil ku yimid in laga faa’ideysato illaa 25 agaasimeyaal guud ah oo hoos tegayay mashruucyadii (RCRF1 iyo RCRF2) oo maamullada dalka ka caawiya tababarrada iyo mushaar bixinta, waxaana dhaqaale ahaan maamulka halkaas uga baaqsaday lacag kor u dhaafeysa 2 milyan oo dollar oo loo sababeyn kara oo kaliya fahamka liita ee hoggaanka talada haaya

■ Xildhibaanada maamulka iyo wasiirada oo aan wax mushaar ah qaadan, iyadoo qaarkood ay u tahriibeen nolol xumada meesha ka jirtay. Waxaa sidoo kale jira in kabadan 55 ruux oo isugu jira wasiiro, ku xigeenno iyo wasiir-dowlayaal oo aan xafiisyo lahayn shaqadoodiina ay la wareegeen saddex ruux oo Guudlaawe wakiil uga ah lunsashada dhaqaalaha mashaariicda loogu talo galay, haddiiba ay jiri karto hay’ad aaminta oo kusoo qaldanta, ogaalna aan u lahayn xatooyada iyo musuqa xarga-goostay ee meesha ka jira

■ Miisaaniyadda Hirshabeelle waa 12 milyan oo dollar oo inta ugu badan ay ka timaado dakhliga gudaha, shaqaalaha wasaaradda maaliyadda ee shaqooyinkaas ku qoran awood uma laha in ay soo uruuriyaan, mana jirto tixraac iyo warqad lacag qabasho oo nidaamsan, su’aasha imaan karta ayaa ah, haddii miisaaniyadda maamulka ay intaas la egtahay, maxaa sababay in ay dhaqaale xumo u tahriibaan wasiiradii maamulkaas iyadoo aanay jirin dhaqaale darro Hirshabeelle haysata?

Gunaanad, rajadii Hirshabeelle iyo hiigsigii laga lahaa oo jinaaso lagu dukuday, lana aasay ayey ka dhigan tahay in deegaan barwaaqo badan iyo dad u bisil horumarka hoggaan looga dhigo Cali Guudlaawe, wuxuuna aaminsan yahay in ay Hirshabeelle ka billaabato, kuna dhammaato Jowhar oo kaliya, qorshahana uguma jirto qancinta reer Hiiraan iyo in doodda ay qabaan laga la xaajooda, lana saxo xisaabaadka qaldan ee xaggiisa ku maqan.

Dhammaaad

W/Q. Hon. Mohamed Hassan Ibrahin (Qoono)

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Radiohalgan.com   Radio Halgan waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada Mahadsanid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here