GAROON LADAN HADANA BAAHAN.

Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif waxa uu ku yaalla aag muhiim u ah duulimaadyada Soomaaliya. Maalin kasta ugu yaraan waxaa ka daga 5 diyaaradood oo isugu jira UN-ka iyo Rayid.

Diyaaradahaas waxaa laga qaadaa lacago lagu qiyaaso 3-5 kun oo dollar maalin waliba, haba yaraate wax ku laabto garoonka oo wax loogu qabto majirto xattaa Nadaafadiisa.

Maamulka Hirshabeelle iyo kan Gobolka midkoodna uma muuqdo in ay ahmiyad siiyaan garoonka. Markasta oo ay xaalad ku timaado garoonka oo ey indhaha bulshada iyo indhaha dowladda kusoo jeestaan waxaa lagu indha sarcaadiyaa Carro Shub, kadibna warbaahinta ayaa lala wadaagaa in garoonka laga shaqeynayo si loogu qaato in baahidiisa laga gudbay.

Soomaali waxey ku maahmaahdaa meeshii cir laga filayey ayey ceeryaamo ka timid. Wasaaraddii Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyadana carada lagu shubayo garoonka ayey soo hambalyeyse halki laga sugayay shaqo adag.

XALKA MUXUU NOQON KARAA?
1- in aan isku tashi sameyno,
2- in aan la sii aqbalin in daqliga garoobka la iska cuno.

Waxaan soo dhaweyneynaa cid kasta oo garab nagu siiso in garoonka Ugaas Khaliif noqdo mid caalami ah.

Insha allah waxaan albaab kasta u garaaci doonna in laga hor wareejiyo isbaatooyinka hor taagan horumarkiisa.

Dadkeygu wey kasoo gudbeen xiligii ey daawadayaal ka noqon lahaayeen danahooda iyo wax kasta oo saameyn ku yeelanaa masiirkooda. Qofkasta waa in uu xoogiisa, codkiisa iyo taladiisa giliyaa Arrimaha horumarinta garoonka iyo adeegyada bulshada.

Xil. Mohamed Abdulkadir Mohamed