Laga soo billaabo xilligii uu gobolka Hiiraan ka billowday halganka dib u xoreynta dalka illaa iyo maanta ma jiro wax gurmad ama gargaar ah oo la gaarsiiyay deegaannadii laga xoreeyay gacanta cadawga
Gobolka Hiiraan oo ah hormuudka halganka dib u xoreynta dalka, deegaanadiisa xorta ah weli ma aanay helin wax gurmad ah oo uga yimaada dowladda dhexe, waxaana nasiib darro weyn ah in Wasaaradda Arimaha Gudaha Federaalka iyo Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ay u caddaalad fali waayaan qeybinta gargaarkaas oo isugu jira raashiinka iyo dawooyinka, kuwaas oo Beesha Caalamka looga soo qaaday magaca Soomaaliyeed, iyadoo inta la ogyahay si joogta ah gurmad loo gaarsiiyo gobollada kale ee deriska la ah gobolka Hiiraan, balse Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka ay dhegaha ka fureysatay qayladhaanta ka imaaneysa shacabka reer Hiiraan
Waxaa sidoo kale ayaan darro taas ka weyn ah in la heli waayo cid u damqata, una doodda shacabka reer Hiiraan, si gurmad loo gaarsiiyo deegaannadii la xoreeyay, waxayna siyaasiyiintii ku meteleysay heer federaal iyo heer gobolba ay noqdeen kuwa doorkoodii gabay, kuna fashilmay ammaanadii loo dhiibay, oo in ay dhex joogaan dadkooda, lana qeybsadaan dhibaatada ka doorbiday joogista Xamar.
Haddaba, maadaama shacabka reer Hiiraan ay heli waayeen cid u doodda, oo xuquuqdooda u soo dhicisa, waa in deeqda iyo gargaarka ka kooban raashiinka, dawooyinka iyo daryeelka caafimaad, oo ay dowladda dhexe bixineyso ku saleeysaa hannaan ku dhisan caddaalad, si loo dhiirrigeliyo halganka socda iyo kacdoonka dadweyne ee dalka looga ciribtirayo kooxda Khawaarijta
W/Q EX Xildhbaan abdulqadir sh xanafi