Xildhibaan hore Xanafi ayaa yiri Marxaladihii ay Hirshabeelle soo martay iyo waxa laga filan karo dib u doorashadii Madaxweyne JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

206

W/Q. EX. Xildhibaan Cabdulqaadir Sheekh Xanafi Sheekh Bashiir

Marxaladihii ay Hirshabeelle soo martay iyo waxa laga filan karo dib u doorashadii Madaxweyne JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhismihii Maamulka Hirshabeelle wuxuu soo maray laba marxaladood oo kala duwan, mid walbana la haystay fursad lagu sixi karay khaladaadka jira si loo helo maamul ka yimaada bulshada, kuna yimaada rabitaankooda.

*Marxaladda koowaad*

Taariikhdu markey ahayd Ogoosto 08, 2015, ayaa magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiis ku saabsan habka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana munaasabadii saxiixa heshiiskan goob joog ka ahaa Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud, xubnaha golaha wasiirrada ee deegaannadaas kasoo jeeda, guddoomiyeyaasha labada gobol iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federalka XF, iyadoo ay dhinaca kale goob joogeyaal ahaayeen xubno ka kala socday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub iyo Qaar ka mid ah Diblamaasiyiinta Caalamka ee ka holwgala Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa aasaasihii maamulka Hirshabeelle wuxuu waqti badan ku bixiyay in la helo qanaacada reer Hiiraan, wuxuuna in ka badan afar jeer u safray magalada Baladweyne, si waxgaradka deegaanka oo uu ugu horreeyay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif loogu qanciyo in ay wax isku darsadaan labada gobol ee walaalaha iyo deriska ah. Inkastoo fursaddaas aan looga faa’ideysan sidii rabay, hadana ma aha mid la dafiri karo dadaalkii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo sida uu isugu dayay in la helo maamul heshiis lagu wada yahay oo rabitaan bulsho ku yimaada

Tallaabadii xigtay dadaalladaas waxay noqotay in si deg deg ah loo dhiso maamulka iyadoo ay jireen duruufo diidayay in waqti dheer lagu sii bixiyo xalka maadaama uu dalku ku jiray marxalad doorasho, Madaxweynaha lagula xisaabtamay dhammaystirka Mashruuca Federaaleynta, waxaana suurta gashay in labada gobol loo dhiso maamul la magac baxay Hirshabeelle, oo u kala xadeysan awoodqeybsi sare, sida in gobolka Hiiraan uu qaato Madaxweynaha Maamulka, Shabeellaha Dhexe na qaato Caasimadda Maamulka, taas oo ahayd xeer qoran oo waxgaradka labada gobol ay ku heshiiyeen.

Waxqeybsiga kore marka laga yimaado, ma jirin halbeeg kale oo lagu kala qeybsaday xubnaha Baarlamaanka oo tiradoodu tahay 99 xubnood, waxayna buuq badan oo arintaas ka dhalatay uu sababay in maamulkii la dhisay uu culays badan la kulmo horusocodna uu yeelan waayo, oo bulshadii labada gobol ay ku kala qeybsamaan, iyadoo mar walba doodda iyo tabashada ay ka jirtay dhanka reer Hiiraan oo saluug badan ka muujinayay sida loo qeybiyay xubnaha Baarlamaanka, wayse fududeed in tabashadaas la xalliyo. Waxaa sidoo kale hoggaankii talada Hirshabeelle qabtay oo xog ogaal u ahaa sida lagu soo doortay iyaguna seegtay in ay xalka wax ka raadiyaan oo ay abuuraan jawi uu maamulka cusub ku shaqeyn karo, si loo helo kalsooni bulsho.

*Marxaladda labaad*:

Dhismihii labaad ee maamulka Hirshabeelle wuxuu kusoo beegmay xilli uu dalku Madaxweyne ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo koox yar oo ku hareersan, kuwaas oo talada la jaangoysneysay. Kooxdan oo aan marnaba xeerin danta deegaanka iyo rabitaanka bulshada, waxay fursad u heleen qaar ka mid ah maamulladii dalka ee waqtigoodu dhammaaday sideey doonaan in ay usoo dhisaan sida Koonfur Galbeed oo dhiig badan ku daatay, Galmudug iyo Hirshabeelle oo ugu dambeyn noqotay maamul gacantooda soo galay, waxay bulshadii gobolladaas ku khasbeen hoggaan aanay dooran, gaar ahaan waxay isbeddel dhanka awood qeybsiga ah ku sammeeyeen maamulka Hirshabeelle, waxayna dulmi weyn u geysteen reer Hiiraan, iyagoo caasimaddii maamulka iyo Madaxweynaha isku siiyay gobolka Shabeellaha Dhexe

 

Waxay si ula kac ah u jabiyeen xeerkii waxqeybsi ee labada gobol ay heshiiska ku ahaayeen, waxay iska indhatireen taariikhda facaweyn ee gobolka Hiiraan oo sida la ogyahay ka mid ah sideeddii gobol ee lagu aasaasay Jamhuuriyaddii Soomaaliya 1960-kii, waxaana ka soo jeeda gobolkaas siyaasiyiin badan oo dhiiggooda usoo shubay gobonimada iyo dowlad dhiska Soomaaliya, in ay dowladdii Farmaajo xuquuqdiisa duudsiiso wuxuu shacabka kala horyimid diidmo adag iyo kacdoon ay kaga soo horjeedeen dulmiga uu Farmaajo ku sameeyay.

Waxaa intaas sii dheerayd in ay bulshadii u kala qeybiyeen koox koox, isku direen qabiilladii wax wada qeybsiga ka dhexeeyay, waxayna taas sababtay uu dhismo dhaqdhaqaaq la magac baxday “Jabhadda Kacdoonka Reer Hiiraan” hadafkiisuna yahay in maamulka Hirshabeelle ee ku dhisan dulmi iyo boob aanu marna ka shaqeynin gobolka Hiiraan, sidoo kalena hoggaanka Hirshabeelle imaan karin Beledweyne, maadaama sharciyad bulsho aanu haysan, waxayna taas keentay in maamulkii labaad ee Hirshabeelle oo dhisan muddo ku dhow laba sano caqabad haysata darteed aanu weli soo dhisin golihiisa wasiirada, iskaba daa inuu sameeyo wax horumar ah.

Hadaba, Shacabka reer Hiiraan oo og gaboodfalkii loo geystay shantii sano ee lasoo dhaafay waxay aad usoo dhoweynayaan dib u doorashada Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay u arkaan in uu yahay waayo arag wixii khaldamay sixi kara, xalna u heli karo mashaakilka haysta Hirshabeelle gaar ahaan reer Hiiraan. Sidaa darteed, si loo helo Hirshabeelle loo dhan yahay kuna dhisan is ogol iyo isla guddoon

1. Waa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dib u eegis dhab ah ku sameeyaa qaab dhismeedka maamulkaas, lana saxo khaladaadka ka dhex jira

2. In la dhigo gogol nabadeed, aasaasna looga dhigo maamulka dib u heshiisiin iyo is cafin, si loo helo loo helo hoggaan ku yimaada rabitaan bulsho

3. In la isku dheellitiro awood qeybsiga maamulka oo hal gobol u batay, xalna loo helo tabashada ay reer Hiiraan qabaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here