Xildhibaan Cabdisalaam Xaaji Axmed (Dhabancad) oo xubin ka ah Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qaraxa ismiidaaminta ah ee saakay ka dhacay Deegaanka Laas-Gacamay ee Gobolka Mudug.

Dhabancad waxa uu sheegay in uu dhaawac fudud kasoo gaaray gacanta kaas oo uga yimid gurigii ay degenayaan isaga iyo mas’uuliyiinta ku wehlisa howlgalka oo ku dumay markii uu dhacay qaraxaas ismiidaaminta ah sida uu sheegay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid uu dhaawac soo gaaray isla markaana lala tacaalayo waxaana la geeyay dhanka Wisil sida uu hadalka u dhigay Cabdisalaam Xaaji Axmed Dhabancad oo la hadlay Idaacadda VOA Somali.

“Waan ladanahay, waxaa xagasho yar naga soo gaartay guriga dumay, Gaari qarax waday oo ay soo direen ayaa qarxay waxaana dhaawac uu soo gaaray Cabdi Qaybdiid oo lala tacaalayo wuuna fiican yahay, anigana gacanta ayuu dhaawaca isoo gaaray, waxaa hadda ku sugan nahay Wisil, wax dhintay ma maqal” ayuu yiri Xildhibaan Dhabancad.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la fashiliyay weerarkaas ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay deegaanka Laas-Gacamay, khasaaraha ka dhashay waxa ay shaaciyay in uu yahay dhaawac soo gaaray labo askari oo katirsan Ciidanka halkaas ku sugnaa.

La soco wixii kasoo kordha.

Share.

Leave A Reply