Xildhibaan Nuux oo markale loo magacaabay Habdhowraha Golaha Shacabka.

321

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux u magacaabay Habdhowraha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.

Ugu horreyn fadhiga Golaha oo ay soo xaadireen 220 mudane ayaa Guddoomiye Aadan Madoobe ka hor akhriyay Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya magacaabista madaxa Habdhowraha guud ee Golahaas.

Magacaabista Guddoomiye Aadan Madoobe ee Habdhowraha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa loo qaaday codka golaha, tirada soo xaadirtay mudanayaasha Golaha oo aheed 220 ayaa 213 ka mid ah haa ugu codeesay halka 7 Xildhibaan ee soo hartay ay maya ugu codeesay.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa golaha u sheegay in magacaabista Habdhowraha guud uu la kaashaday Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Golaha Shacabka BFS Cabdullaahi Abshirow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here