Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha KMG ah ee SSC Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), kaas oo Muqdisho ku jooga booqasha.
Ugu horreyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhageystay Hoggaamiyaha KMG ah ee SSC Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) warbixin ku saabsan xaaladda bulsho iyo nololeed ee ka jirta deegaanada SSC. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.
“Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo in wixii khilaafa ee jira lagu xalliyo wada-hadal,” sida lagu sii yiri
Firdhiye oo shalay Muqdisho soo gaaray ayaa kulamo hordhac ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiirro katirsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, Taliyaha Booliiska, Xildhibaanno & mas’uuliyiin kale.
Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa Muqdisho usoo gaaray sidii uu ula kulmi lahaa Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Caasimadda si uu ugala hadlo xaaladda ka taagan Laascaanood & dagaalladii ka dhacay.