Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa magaaladda Muqdisho kula kulmay madaxa xafiiska EUCAP-SOM ee Soomaaliya Mr. Kauko Aaltoma.
Labadda mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii xafiiska Xeer ilaalinta guud ee Qaranka iyo Xafiiska EUCAPSOM isaga kaashan lahaayeen kor u qaadidda, daadajinta iyo sidoo kale, helidda adeegyadda cadaaladda dalka.
Sidoo kale, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Mr Mr. Kauko Aaltoma ayaa isla gartay kor u qaadista qorshaha tayeynta xirfadaha shaqo ee howlwadeenadda xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.