Waxaa si weyn u soo ifbaxay Qilaaf siyaasadeed in muddo ah soo jiitamaay oo hadda indha dilaacsaday salkana ku haaya awood isku sheegasho dhan kasta ah unna dhaxeeyo horjoogayaal siyaasadeed iyo Dulaaliin ku hoos nool labadda dhinac.

 

Madaxweyne ku-xigeynka Hirshabelle Yousuf ahmed Hagar Dabgeed iyo Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Abdirahman Guure Karoore ayaa soo saarray warqad magacaabis Gudoomiye Degmo oo si weyn murran iyo hanjabaad dhalisay waxaanna daaha gadaashiisa ka taaggan arrintaan Xildhibaan-ka Awoodda madaxweyne ku-xigeynka Hirshabelle gacanta ku haaya Abdulkadir Mohamud Owbakar Dhagaweyne.

 

Magacaabistaaan Degmadda Halgan waxaa diiday oo hanjabaad iyo hub aruursi billaabay Cabdalla Samatalis oo ah qabiil Degaan ku ah Degmadda Halgan waxa ayna sheegeen ineysan macquul gal koqon karrin in xiligaan lagga dulqaaddo Maamulka Degmada Halgan waxa kalle oo ay sheegeen in leysku baabi’i doonno wax waliba oo qasaaraha ah oo ka dhisho arrintaan waxaa dusha saarran doonna hoggaan-ka Hirshabelle.

 

Degmada Halgan waxaa loomagacaabay Yabar Madaxweyne oo ah Qabiil Degan Degmadda Halgan iyo Tuuluuyinka hoos yimaadda magacaabistane waxaa sameeyay wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose oo ah Yabar Madaxweyne waanna tan keentay qilaafka weyn Qabiiladda Halgan wadda degga ayaanna ku doodaaya siddee macquul ku noqon kartaa wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose innuu u magacaabo inna adeerkiis xil Gudoomiye Degmo.

 

Qilaafkaan waxaa dib ku sii shiday wasiirka Petrol-ka Abdirazak Omar oo qilaaf siyaasadeed kalla dhexeeyo madaxweyne ku-xigeynka Hirshabelle Yousuf ahmed Hagar Dabageed wuxuunna waqti geliyay innuu ka dhaadhiciyo Gudoomiye Ali Jeyte Osman innuu soo saarro warqad gebbi ahaanba waxkamma jirraan ka dhigeyso magacaabista Gudoomiyaha Degmada Halgan waanna tan sii horrisay qilaafkaan cabsida iyo welwelka dhax dhigay Qabiilka Xawaadle.

 

Waxaa Goobta ka maqneyn Xildhibaan Mohamed Abdulkadir Mohamed oo ah Xildhibaan heer Federal ah waqti baddane gelinaayo siddii uu ku helli lahaa saammiga qabiilkiisa uu ku leeyahay Degmadda Halgan madaamma Qabiilka reer Ugaas si weyn u deganyihiin gudaha Degmada iyo Guud ahaan deegaanadda hoos yimaado wuxuunna ballan qaaday wax uusan raali ka ahayn ineysan ka dhici doonnin Degmada halgan illaa si cadaallad ah wax looqeyb saddo.

 

Degmada Halgan waxa ay dhaxda ka gashay awooddo ku hardamaayo siyaasadda iyo kalla argoosi taas oo ka dhigan in Qabiil kasta soo bandhigaayo Awoodiisa Degaan-ka waxaanna si cad illaa hadda u soo bandhigay Awood aan ladheyalsan kariin Qabiil-ka Cabdalla Samatalis kuwaa oo Degmada Halgan keenay Tigniko iyo cudud ciidan oo aad u farra baddan lanna wareeggay gacan ku haynta Degmada wadda hadalna layeeshay Ciidamada Ethiopia ee ku suggan Degmadda Halgan.

 

Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Abdirahman Guure Karoore illaa hadda kamma uusan hadlin arintaan oo gabbi ahaanba wuxuu iska dhegga tirray cabashadda Cabdalla Samatalis qeyliya amma iska aamusa koleey aniga umma jaajinaayo Qabiil qeyladiis siddaa ayeey ka dhigantahay aamusnaantiisa waanna wasiirkii uggu horeeyay ee ku dhiiradda magacaabista Degmada Halgan waxaanna qeyb ka ah dagaalkaan nin magaciis laggu sheegay Angola oo saaxiib la’ah wasiir Abdirazak Omar si weyna ugga soo horjeeddo siyaasadda madaxweyne ku-xigeynka Hirshabelle Yousuf ahmed Hagar.

 

Arrintaan waxaa horay iyo gadaal ka taaggan Xildhibaan Abdulqadir Mohamud Owbakar Dhagaweyne oo ah Xildhibaan ka soo jeeddo Degmada Halgan kanna mid ah shaqsiyaadka uggu awoodda baddan siyaasadda Hirshabelle iyo tan Gobolka Hiiraan waanna shaqsiga haggo siyaasadda madaxweyne ku-xigeynka Hirshabelle Yousuf ahmed Hagar Dabgeed waanna shaqsigii soo saarray saaxadda siyaasadda wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Abdirahman Guure Karoore wax uusan dhihin haa amma maya kamma hirgallaan Gobolka Hiiraan amma wax waliba oo quseeyo arimaha Xawaadle gudaha Hirshabelle.

 

Marka xisaaab ahaan dib u fiirino Degmadda Halgan waxaa soo maamuli jirray illaa Dowladdii Kacaan-kii illaa hadda Qabiil-ka Yabar madaxweyne marka lagga reebbo labba jeer oo ay Gudoomiye Degmo ka koqdeen Cali madaxweyne haljeer xil Gudoomiye kamma aysan noqon Qabiilka Cabdalla Samatalis balse hadda lamma marsiin karro wax aysan raali ka aheyn oo waxa ay ku garnaqsanayaan Yabar Madaxweyne waxa ay Gudoomiye Degmo ka Yihiin Degmada Jalalaqsi markaan waa markeennii maanta waa maalinteennii haddii kalle dhimasho .