Dowladda Soomaaliya ayaa xilligaan ku jirta dagaal ka dhan ah Al-Shabaab kaas oo uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud bartamihii sanadkii 2022-kii oo ku beegan xilligii dib loogu doortay xafiiska dalka ugu sarreeya ee Villa Somalia.

Horraantii bishii Augusta ee sanadkaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka guuray xafiiskiisa shaqada ee Muqdisho, isaga oo geediga shaqo u rartay Magaalada Dhuusamareem, halkaas uu sheegay in ay saldhig u tahay gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobollada dhexe.

Wixii intaas ka dambeeyey Madaxweynaha ayaa u jiheestay in uu kulamo la yeesho Siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada uu dagaalka ka socda, Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada qeybaheeda kale duwan, xilli uu kala hadlay sidii ay qeyb ugu ahaan lahaayeen dagaalka ay dowladdiisa kula jirta Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xilligaan dalka iyo dadkiisaba ay ku jiraan dagaal haseyeeshee taas kama aysan reebin in ay baaqdaan shaqooyinkii kale ee dalka, sidii dowladda ay taageero ugu heli lahayd dagaalka iyo ka qeyb galka shirarka caalamiga ee la doonayo in Soomaaliya kaalinteeda Siyaadadeed ka soo dhalaasho.

Madaxweynaha ayaa u duulay furimaha dagaalka ee Maxaas iyo Aadan Yabaal halka Ra’iisul Wasaarihiis uu isna u duulay Magaalada Dooxa ee dalka Qatar si uu taageero ugu soo helo dagaalka ay dowladdiisa kula jirto Al-Shabaab, si lamid ah ku xigeenkiisa Saalax ayaa Magaalada Nairobi uga qeyb galay shirka Isbadalka Cimilada Afrika oo ay marti galisay dowladda Kenya.

Waxaa xusid mudan in Shirkaan ay ka soo qeyb galeen badi hoggaamiyaasha dalalka Afrika, Madaxa ugu sarreeyo Midowga Afrika, Hoggaamiyaha Urur gobaleedka IGAD iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Quburada falan qeeya arrimaha Siyaasadda ee geeska Afrika ay ku sifeeyey in Madaxweynaha ay ka go’antahay dagaalka Al-Shabaab, iyaga oo sheegay in 67-jirkaan Hoggaamiya Soomaaliya uu ka qeyb gali karay shirka ka socda Kenya haseyeeshe ka doorbiday furimaha dagaalka ee Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, halkaas uu kula kulmay Ciidanka dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa September 4, 2023-ka booqasho rasmi ah ugu ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, iyada oo safarkaas ay ku wehlinayeen qaar ka mid ah Golahiisa Wasiirrada.

Ra’iisul Wasaare ayaa Magaalada Dooxa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Mudane Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Bulshada, iyadoo la isku fahmay dhammaan qodobada laga wada hadlay.

Dhanka kale Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay hoggaanka iyo xubnaha sare ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha dalka Qatar iyo Taliyaha ciidanka qalabka sida ee Qatar, Salem bin Hamad Al Nabit, oo ay ka wada hadleen iskaashiga dhinaca amniga iyo dagaalka Al-Shabaab.

Share.

Leave A Reply