Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw gaaray Magaalada Beydhabo

153

Madaxweynaha Dowladda Federalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen,mas’uuliyiin katirsan maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeyb galay soo dhaweynta Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la doortay 15-kii Bishan May ayaa safarkiisii ugu horeeyay ku tagay Maamulka Koonfur Galbeed,waxaana la filayaa in uu kulamo ka bilaabo Magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here