XASAASI: Xukuumada Itoobiya oo lumisey Saamigii ay ku laheyd Dekada Ber bera

207

Mogadishu (Radio halgan ) Dawlada Itoobiya ayaa xog la ogaaday waxay sheegeysaa inay lumisey saamigii ay ku laheyd Dekada Ber bera Ee Soomaaliland kadib arimo hore la isku afgartay oo la dhaqan gelin waayey.

Tallaaadani ayaa la rumeysan yahay in culeys ay ku noqon karto Xukuumada Adis ababa marka la eego hamigoodii ku aadanaa in ay ka faa’ideystaan saamiga ay dekada ber bera ku lahaayeen.

Itoobiya oo aan laheyn bad iyo dekad ayaa ubisan bisooneysa inay la wareegti dekado ku yaalla Soomaaliya balse sida muuqata waxay hadda lumisey dekadii ay saamiga ku laheyd ee Dekada Ber bera Soomaaliland.

Dawlada Itoobiya ayaa lumisay saamigii ay ku lahayd Dekedda Berbera ee Somaliland, kadib markii ay buuxin wayday shuruudihii saamiga ee looga baahnaa. Sida uu warbaahinta dalka Itoobiya u sheegay Wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire.

Itoobiya ayaa saami dhan 19% ku lahayd Marsada Berbera, halka DP World ay ku lahayd 51%, sidoo kalana dawladda Somaliland ayaa leh saami dhan 30%.

Hase ahaatee, Itoobiya haatan wax saami ah kuma laha dekedda Berbera.

Radiohalgan Isha wararka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here