XASAASI: Liverpool Diyaar U Ah In Ay Iska Iibiso Mohamed Salah, Laakiin Hal Shardi Ku Xidhay.

102

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay iska iibin doonto Mohamed Salah suuqa kala iibsiga xagaagan hadii uu qiimo macquul ah u yimaado sida ay sheegayaan wararku.

Inkasta oo ay haatanba Lumisay Sadio Mane, Liverpool ayaa hadana iibin karta Salah hadii ay hesho lacag dhan 60 milyan oo euro sida laga soo xigtay The Sun.

Salah oo 30 jir ah ayaa galaya sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa Liverpool waxana uu ilaa haatan diiday in uu heshiis cusub u saxiixo Liverpool

Real Madrid ayaa la sheegayaa in ay xiiso u qabto Salah iyada oo uu Carlo Ancelotti doonayo in uu xiddiga ku xoojiyo kooxdiisa.

Salah ayaa lagu soo waramayaa in uu dalbanayo lacag dhan 400 kun oo gini todobaadkii taas oo ah mid ay Liverpool diidantahay in ay bixiso.

Mohamed Salah ayaa marar badan sheegay in uuna ka tagi doonin kooxda Liverpool suuqa kala iibsiga xagaagan isla markaas doonayo in uu sii joogo kooxda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here