Xanuunkan ayaa waxa uu qofka uu ku dhaco u soo shiirayaa sida kalluunka oo kale. Magacaga cudurkan waaxaa la yiraahdaa Trimethylaminuria (TMAU) waa xaalad aan caadi ahayn, waxa uuna sababaa ur xun oo sida kalluunka ah. Waxaa kale oo loo yaqaan “xanuunka urta kalluunka “.

Mararka qaarkood waxaa sababa hiddo-sidaha qofka uu ka dhaxlo waalidkii oo khaldama, laakiin taasi mar walba ma dhacdo. Sida ay sheegtay Waaxda Caafimaadka Qaranka UK ee NHS.

Xanuunka Trimethylaminuria (TMAU) wax dawo ah ma laha.

Haddaba xanuunkan waxa jirta Soomaalida qaarkeed oo qaba, kuwaasoo xitaa qaarkood ay u horseedday inuu qoysaskooda burburo.

Xaliima (ma ahan magaceeda saxda ah.) Waxay ku nooleyd magaalada Muqdisho. Waxa ay guursatay wiil uu jacayl kala dhexeeyay laakiin nasiib darro muddo ka dib way kala tageen sababo la xiriira shiirka jirkiisa ka soo baxaya.

“Cali (ma ahan magiciisa saxda ah) waxaan wada nooleyn muddo sannad ah laakiin waxaan u adkeysan waayay urka jirkiisa ka soo baxaya oo aan ku tilmaamo kalluun qurmay, waxaana go’aansaday inaan iska furo, ayay tiri Xaliima”.

“Waxaan la yaabay ayaa ah in Cali marka uu qubeysto iyo marka kaleba uu isku si u shiiri jiray, intii hore waxaan is dhihi jiray waa wax nadaafad kaliya la xiriira laakiin waxaan isku dayay inaan waxyaabaha carfa iyo saabuunno kala duwan u soo iibiyo balse waxba waa ay ka tari waayeen, waxaana go’aan ku gaaray in aan la sii noolaan, sidaa ayaana ku kala tagnay.”

“Marka laga soo tago urkaas sida kalluunka ah, Cali waxa uu ahaa wiil qurux badan, fiican oo deeqsi ah.”

Calaamadaha lagu garto xanuunka Trimethylaminuria

Calaamadaha cudurka Trimethylaminuria waxaa la ogaan karaa laga bilaabo xilliga dhalashada, laakiin waxaa laga yaabaa inaysan bannaanka u soo bixin ilaa qofka uu qaan-gaar ka noqdo.

Astaanta ugu weyn ee lagu garto waa urta aan wanaagsanayn, oo ah sida kalluun qurmay. Qofka uu haleelo xanuunkan ayaa waxaa sidoo kale lagu ogaan karaa urta kalluunka oo ka soo baxaysa qeybo kala duwan oo jirka ah:

Neefta afka ka soo baxda afka

Dhididka

Saxarada ama kaadida

Dhecaanka ka soo baxa xubinta taranka ee dumarka.

Urta xanuunkan ayaa noqon karta mid joogta ah ama mararka qaar tagi karta. Laakiin waxaa jira waxayaabo qaar ee xaaladda urta uga sii dari karta. Waxaana ka mid ah:

Dhididka

Isku buuqa

Cunooyinka qaar sida kalluunka, ukunta and digirta

Xilliga caadada dumarka.

Sababaha keena cudurka Trimethylaminuria

Cudurka Trimethylaminuria, waxaa sabababa inuu jirka awoodi waayo in kiimikada urta badan ee loo yaqaan trimethylamine u beddeli waayo kiimiko kale oo aan ureynin. Kiimikadan ayaa waxa jirka uu soo saaraa marka barcteeriyada caloosha ay burburiso cunooyinka qaar.

Tani waxay ka dhigan tahay in trimethylamine ay ku ururto jidhka oo ay gasho dareeraha jidhka sida dhididka.

Xaaladaha qaarkood, tan waxaa sababa hidde-side khaldan oo qofku ka dhaxlay waalidkii.

Sidee loo kala dhaxlaa xanuunka trimethylaminuria?

Dad badan oo qaba xanuunka trimethylaminuria ayaa labadooda waalid ka dhaxla hiddo-sidaha khaldan ee loo yaqaan FMO3. Tani waxay ka dhigan tahay inuu jirkooda ku jiro 2 nuqul oo hiddo-sidaha khaldan ah.

Waalidiinta laftoodu waxa laga yaabaa inay haystaan 1 nuqul oo kaliya oo ah hidda-sidaha khaldan. Taas waxaa loo yaqaannaa “qaade”.

Haddii aad qabto xanuunka trimethylaminuria, caruur kasta oo aad dasho waxay noqon karaan kuwa kaa dhaxla hidda-sidayaal khaldan.

Cuntooyinka uu iska ilaalinayo qofka qaba xanuunkan

Inaad iska ilaaliso cuntooyinka qaarkood waxay kaa caawin kartaa in urka uu ka sii dara, sida:

Caanaha lo’da

Cuntada badda sida kalluunka

Ukunta

Digirta

lawska

Beerka iyo kelyaha

Waxaa xusid mudan in dadka uu haleelay xanuunkan ay iyaga laftooda isu soo uraan oo mararka qaar saameysa maskadooda.

Guud ahaan adduunka dadka cudurkan u uku dhaco ayaanan badneyn marka loo barbardhigo dadka uu ku dhaco xanuunada caadiga ah.

Share.

Leave A Reply