Xamaas: “Madaxweynaha Soomaaliya waxa aan kugu duceyneenaa in aad Dalka gaarsiisid Ammaan, Xasilooni & Barwaaqo”.

18

Ismaaciil Haniyah, Madaxa Xafiiska Siyaasadda Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa fariin uu usoo diray Madaxeynaha 10aad ee JFS Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku bogaadiyay guusha uu ka gaaray Doorashadii ka dhacday Muqdisho 15kii May 2022.

Haniyah ayaa sheegay in Shacabka Falastiin guud ahaan ay bogaadinayaan farxadda guusha ka dhalatay Doorashada uu markale Xasan Sheekh Maxamuud ku xaqiijiyay in uu noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu usoo jeediyay in uu door ka qaato qadiyadda Falastiin, isaga oo u rajeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu sababteeda yeesho Soomaaliya oo Nabad ah, Xasiloon oo Barwaaqo ah.

“ka Dhaqdhaqaaq Xamaas ahaan & Guud ahaan Shacabka Falastiin waxa aan fariintaan hambalyada ah u diro Walaalaheen Soomaaliyeed gaar ahaan Madaxweynaha aan walaalaha nahay ee la doortay, waxa aan ugu duceyneenaa Horumar iyo Barwaaqo, innaga oo u rajeyneyno wax u qabadka Qaranka & Dadka” Ayuu yiri Ismaaciil Haniyah.

Madaxa Xafiiska Siyaasadda Xamaas Ismaaciil Cabdisamad Axmed (Haniyah) ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka gudbi karo caqabadaha & duruufaha horyaalla isla markaana Soomaaliya uu gaarsiin karo Ammaan, Xasilooni & Barwaaqo.

“Waxa aan kuu rajeynenaa in aad guullo ku hoggaamisid dalka una adeegtid qarankaaga si aad wax ugu qabatid arrimaha waaweyn ee ku horyaalla, arrinta falastiin waa in aad doorkaaga ka qaadataa, si kal iyo lab ah ayaan kuugu duceynaa mudane guul iyo in Walaalaheen Soomaaliya aad gaarsiisid horumar & Barwaaqo” ayuu yiri Ismaaciil Haniyah Madaxa Xafiiska Siyaasadda Dhaqdhaqaaqa Xamaas.

Madaxweynaha dib loo doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud waxaa horyaalla wax ka qabashada arrimaha Amniga, dhaqaalaha, hagaajinta siyaasadda, xiriirka Caalamiga, Doorasho qof & cod ah iyo qodobo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here