Haddi aad tix raacayso qoraalkayagii u dambeeyay – iyo haddii aad u baahan tahay xusuusin – Daanta Galbeed waa dhul ku yaal daanta galbeed ee Webiga Urdun oo ay xuduud la leedahay Israa’iil xagga woqooyi, galbeed iyo koonfurta. Barigeeda waxa ka xiga Urdun.

Waxa qabsatay Israa’iil tan iyo dagaalkii bariga dhexe ee 1967-kii, laakiin tobannaan sano oo wadahadalo adag oo billow ah oo u dhexeeyay Israa’iil iyo Falastiiniyiinta – oo labaduba xuquuqdooda ka sheeganayay halkaas – ayaa taagan heerkii u dambeeyay oo aan weli la xalin.

Inta u dhaxaysa 2.1 milyan iyo 3 milyan Carabta Falastiin waxay ku nool yihiin Daanta Galbeed iyagoo hoos imanaya is-xukun xaddidan iyo xukunka milatariga Israa’iil.

Daanta Galbeed – marka laga reebo Bariga Quddus – waxa kale oo ku nool ilaa 430,000 oo Yuhuud ah oo Israa’iiliyiin ah, kuwaas oo ku nool in ka badan 130 deegaan oo laga sameeyay dhulka ay Israa’iil haysato.

Qariiradda hoose, halka ay ku qoran tahay “West Bank” ayaa ah daanta Galbeed, halka “Jerusalem” ay ka dhigan tahay magaalada Qudus.

Share.

Leave A Reply