Xaaladda degaanka Bacda oo deggan iyo Saraakiisha ciidanka Macawiisleeyda oo soo bandhigay Hub aay sheegeen in AS ka furteen.

236

Beledweyne(radiohalgan.com)Wararka aan ka heleeyno Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa tibaxaya in Sargaal lagu magacaabo Xasan Faarax oo hoggaaminayay weerarkii xalay lagu qaaday fariisin AS ku lahaayeen deegaanka Bacda ee hoostaga degmada Matabaan ee Waqooyinka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in AS aay ka furteen Qoryo kaddib dagaal qaraar oo deegaankaasi ka dhacay.

Dhanka AS ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay oo ku aadan dagaalkaasi.

Ciidamada Macawiisleeyda ee Gobolka Hiiraan ka bilaabatay dagaalka ka dhanka ah AS ayaa waxaa waxa dhanka Hubka iyo tasiiladka siyay sida la sheegay,guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee CXD kor. Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay.

Waxii warar ah oo ku soo kordho kala socda marwalba Ish wararka Radio Halgan 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here