Isbitaalka Al-Shifa ee Magaalada Gaza oo ciidanka Yuhuuddu ay ka go’doomiyeen dhinac weliba isla markaana hareerihiisa ay ku dhufanayaan gantaallo xooggan ayaa laga soo warriyey xaalado adag oo dhanka Nolosha ah in ay lasoo deristay Bukaannada lagu daweynayo.

Koronto la’aanta ka jirta Isbitaalka ayaa sababtay in dad u badan Carruur, Da’ iyo kuwo aanay awoodin in ay si dabiici ah u neefsadaan ay waayeen neefta macmalka ah si noloshooda loo badbaadiyo sida ay ku warrameen qaar kamid ah Maamulka Isbitaalkaas.

Warbixin kasoo baxday Maamulka Isbitaalka Shifa ayaa lagu sheegay in daryeel la’aan darteed ay suuragal tahay in ay dhintaan bukaanno badan oo markii hore loo jiifiyay in ay xaaladdooda caafimaad aad u liidato.

Ciidanka Israaiil ayaa horay u sheegay in dhismaha Isbitaalka hoostiisa ay degen yihiin mas’uuliyiin katirsan Xamaas balse waxaa hadalkaas beeniyay maamulka Isbitaalka Al-Shifa oo tilmaamay in hadalkaas ay Yuhuuddu ku damacsan tahay dhibaatooyin ay ka geysato.

Mas’uuliyiin katirsan Ururka Bisha Cas ee Falastiin iyo xubno kale oo ka socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WHO ayaa ku baaqay in shuruud la’aan ay Israaiil u fasaxdo shidaalka iyo agabka kale uu u baahan yahay Isbitaalka Al-Shifa.

Share.

Leave A Reply