XAALAD ADAG OO ITOOBIYA KA TAAGAN.

154

XAALAD ADAG OO ITOOBIYA KA TAAGAN.

Dhaqaalle xumada dalka Itoobiya soo food-saartay ayaa cirka isku sii shareertay keddib markii ay yaraatay lacagtii adkayd ee kayd ahayd[Dollarkii yaalay ayaa yaraaday].

Maalamhan waxaa la waayay lacag addag oo dibada wax lagaga soo iibiyo.[Xajka xitaa way saameysay.].

Dhibaatada dhaqaalle[qiimo dhaca lacagta Itooobiya] waxaa loo sababeyn karaa arrimahan;

1) Wax soosarkii dalka oo hoos udhacay,keddib markii uu saameyay dagaalka waqooyi iyo qul-qulatoyinka Deeganada dhexdooda ka alloosan.

2) Siyaasadda qalafsan ee Maraykanka ayaa keentay in la waayo lacag addag oo laga heli jiray allaabihii warshadaha dalku canshuur dhaafka ku dhoofin jireen.[Agoa- oo istaagay].

3) Dhaqaallaha Itoobiya oo qaybo baddan ku tiirsana deeqaha iyo daymaha ree galbeedka ayaa hakad ku yimid.Arrintan waxay culayska kusii kordhisay sicir bararka taaggan.

4) Itoobiya waxay oggolaatay in ganacsatada qaarkood Dollar raadsan,keddib markuu yaraaday.Arrintan iyo caqbado horre oo jiray waxay keenen in suuqi madooba xooggaysto.

5)Waxaa aad u kala batay qiimaha Dollarka suuqa maddaw lagaga iibsanayo iyo
qiimaha Bangigga dhexe ee Itoobiya u jideeyay.Bangiyada gaarka ah ayaa qaarkood lacag tiro baddan saaranayay Dollarka.

6)Musuqa ayaa xooggaysatay,waxaana suuqyada maddaw ku milmay maamulka Bangiyada.
Warbixin toddobaad hore lasoo saaray ayaa lagu sheegay in shaqaalle iyo maamulo Bangi toos uga qayb qaaten musuqan.

7) Doollar baddan oo dalku heli lahaa ayaa Bangiyada iyo xawaalladaha ku luma,waxayna keentay in sil-silado xidhiidhsa xooggaystaan.

Xalka ugu macquulsan ee ay Itoobiya kaga badbaadi karto dhaqaalle burbur ay wajahdo ayaa ah; in wada haddalada la dadejiyo oo la joojiyo dagaallada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here