Cabdiraxman Cali – Soomaligan afkiisa hooyo ku bartay Maraykanka, wuxuu taliye sare ka yahay Taliska Booliska magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

Wuxuu u sareeyaa xafiiska arrimaha gudaha ee booliska magaalada Minneapolis, kaas oo ka kooban waaxda cabashooyinka gudaha ah, baaritaanada adeegsiga awoodda iyo baaritaannada askarta cusub ee kusoo biiraysa booliska.

Cabdiraxmaan waxaa hoos taga dhamaan guutooyinka aan kor kusoo xusnay.

Maxay qabtaan Cabdiraxmaan iyo kooxdiisu?

Shaqada kowaad ee ay qabtaan waa inay baaritaan ku sameeyaan cabashooyinka ka dhanka ah booliska hadii ay noqoto kuwa ka yimid dadwaynaha ama booliska dhexdiisaba.

Tusaale, kooxdani waxay baartaa haddii laga dacwoodo boolisku inay awood dheeraad ah u adeegsadeen dadka shacabka ah.

Sida uu sheegay Cabdiraxmaan wuxuu booliska magaalaga Minneaplois isku dayayaa in waaxda booliska loo sinnaado isla markaana bulsha waliba ay iska dhex aragto, “hooyooyinka Soomaalida marka ay booliska is qabtaan oo ay dhahaan talihiina iigu waca ee ay ani i arkaan, way la yaabaan” ayuu yiri Cabdiraxmaan. ” Markay arkaan wiil soomaali oo sidan u yar oo haysta darajadan, way la yaabaan wayna ku farxaan” ayuu yiri taliye cabdiraxmaan oo ka hadlayey sida ay uga fal celiyaan Soomaalidu marka uu ka hor yimaad isaga oo taliye u ah dhamaan guutada booliska ee markaas halkaas joogta.

Booliska dalalka Dimuqraadiga ah ayey shacabku ka codsan karaan in loogu yeero taliyahooda markaas u sareeya kooxda ay iska hor yimaadaan waxayna saraakiisha boolisku ku qasban yihiin inay ugu yeeraan taliyahooda.

Dhanka kale taliye Cabdiraxmaan oo ka hadlayey sida ay Soomaalidu ugu baahan tahay saraakiil boolis ah oo iyaga uga mid noqda booliska magaalada wuxuu yiri, “markii aan booliska ku biirayey, waxaa jiray oo kaliya laba askari oo Soomaali ah”.

Cabdiraxmaan wuxuu sheegay in wicitaanka degdegga ah ee booliska marka ay wacaan Soomaalida aan aqoon afka Ingiriisku ay ku rafaadi jireen, “waxaa jira caqabado dhanka afka iyo dhaqanka ah” ayuu yiri.

Dadka Soomaalida ee an halkaas ku dhalan oo ay u badan yihiin hooyooyinku, ayaa dhibaatooyin ku qaba inay danahooda ka fushadaan booliska, waana kaalinta ay buuxinayaan dadka sida Cabdiraxmaan oo kale ah.

Taariikh nololeedka Cabdiraxmaan?

Taliye Cabdiraxmaan Cali waa 35 jir ku dhashay magaalada Kismaayo ee Koonfurta Soomaaliya sannadkii 1988.

Sida uu BBC-da ugu warramay waxay Kenya usoo guuren qoyskiisu isagoo 4 jir ah halkaas oo uu qaxooti ku ahaa tan iyo siddeed jirkiisii.

Sannadkii 1996 waxay qoyskiisu ka mid noqdeen dadyowgii fursadda u helay inay dib u dejin ka helaan dalka Maraykanka, halkaas oo markii u horeysay la dajiyey gobolka Texas ee dalka Maraykanka.

Sadeex sano ka dib waxay usoo guureen gobolka ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minnesota,” 1999 bulashada Soomaalida ayaan rabnay inaan wehel ka helno marka Minnesota ayaan usoo guurnay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Xilligan Cabdiraxmaan wuxuu dhiganayey dugsiga hoose dhexe fasal,kiisa shanaad.

Cabdiraxmaan oo kaftamaya ayaa yiri, “say wallaahi ma ahi oo xoogaa waa ka fiicanahay” taas oo uu ula jeedo inuu afka Soomaaliga yaqaan, halka erayga ‘say wallaahi’ oo af Soomaali ahaan ka dhigan “wallaahi dheh” uu yahay eray lagu naanayso da’ yarta Soomaaliyeed ee ku dhalatay qurbaha siiba dalalka Ingiriiska looga hadlo; kuwaas oo uu afka Soomaaligu ku adag yahay.

“Dadkana waxaan dhihi lahaa Soomaaliga Maraykankaan ku bartay sida qof waliba oo kale, say wallaahi ma ahi, waa ka fiicanahay, waxaana uga fiicanahay waxaan fursad u helay inaan bulshada Soomaalida kusoo dhex barbaaro” ayuu ku kaftamay.

Sannadkii 2007 ayuu ka baxay dugsiga sare, xilligan oo uu sheegay inuu jeclaa ku biirista booliska balse Cabdiraxmaan sannadkii 2012 ayuu ku biiray booliska magaalada Minneapolis waxaana sida aan kor ku sheegnay xilligaas jiray oo kaliya laba askari oo Soomaali ah magaaladan.

“Waan jeclaa markaan yaraa ku biirista booliska waayo waxaan arkay isku xirnaan la’aanta bulshada Soomaalida iyo Askarta booliska,” ayuu dib u xasuustay Cabdraxmaan.

Sannadkii 2020 ayaa loo dallacsiiyey saddex alifle wuxuuna xilligan u talinayey guuto samaysa kor meerka habeenkii ah ee xaafadaha.

Haddase waa qofkii ugu horeeyay ee waxa uu Taliyaha Booliska Minneapolis Brian O’Hara uu rajeynayo inuu noqon doono “khadka dheer oo hogaamiya kuwa badan oo soo socda.”

Taliyaha Booliska Minneapolis Brian O’Hara ayaa dhawaan Cabdiraxmaan Cali u dalacsiiyay darajada Taliye, isagoo kor meeraya qeybta arrimaha gudaha. Cali waxa uu noqday sarkaalkii ugu horeeyay ee Somali-Maraykan ah oo darajada Taliye ka gaadha Booliska Minneapolis (MPD). Waaxdu waxay sidoo kale aaminsan tahay in kor u kaca shaqaalaha taliska ay u badan tahay inay ka dhigayso sarkaalka ugu sarreeya ee Soomaalida Maraykanka ee booliska dalka oo dhan.

Ku biirista Soomaalida ee askarta

Taliye Cabdiraxmaan oo aan wax ka waydiinay in ay adag tahay ku biirista Soomaalida ee Booliska ayaa yiri, “shaqa fudud ma aha laakiin waa fursad aad bulshadaada wax ugu qaban karto”.

Wuxuu sheegay in isagu aanu haysan garabka hadda ay heli karaan dhallinta Soomaalida ah ee doonaya inay ku biiraan booliska magaalada Minneapolis.

“Dadaal iyo dhibaato badan ayaan soo maray iyo cawiska bulshada Soomaalida iyo askarta kale ay i caawiyeen, inaan isku tiirsanaanno way fiican tahay” ayuu sii raaciyey.

“Waxaan dhili lahaa dhalin yarada Soomaalida oo doonaya askarinimada inay kusoo biiraan, caawis waad haysatiin,” ayuu yiri cabdiraxmaan oo kula talinaya da’ yarta Soomaalida ee doonaya inay ku biiraan booliska in aysan waxba ka wal walin maadaama ay kasoo horeeyaan dad isaga oo kale ah oo ka caawin doono wixii talo iyo tusaalayn ah.

Share.

Leave A Reply