Macalin Yusuf Aw Maxamed waxa uu ku geeriyooday tuulada Bursha Sheekh, oo hoos tagta degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Sheekha oo horay u ahaa macallin dugsi ayaa geeriyooday muddo hadda laga joogo dhowr iyo labaatan bilood.

Qabriga Macallin Yuusuf ayaa dumay iyadoo arrin lagu arkay ay noqotay mid hadal heyn badan ka dhalisay bulshada.

Baraha bulshada ayaa si weyn loogu baahiyay sawirro lagasoo qaaday qabriga sheikha oo dumay kadib roobab mahiigaan ah oo halkaasi ka da’ay.

Hadallo is khilaafsan ayaa lagu qoray baraha bulshada, iyadoo deegaanno kala duwan lagu tilmaamay meesha ay dhacdadu ka hacday.

Sheekha oo ahaa qof ahlu diin ah sida la sheegay ayey dad badani is weydiinayaan waxa uu sameyn jiray kahor geeridiisa, iyadoo ay layaab ay noqotay jismigiisa iyo waliba karfantii lagu duubay markii uu dhintay oo aysan waxba iska beddelin.

Ehelka Macallinka oo aan qadka taleefanka kula xiriirnay ayaa BBC-da uga warramay sida ay wax u dheceen iyo waxa ay arkeen kadib daadadka sababay in qabrigu uu soo dumo.

Maxamed Muxumad Xasan oo ah wiil uu awoowe u yahay Macallin Yuusuf isla markaana uu soo barbaariyay ayaa sheegay inuu muddo dheer macalin ahaa sheekhu.

“Waxa uu gaaray ilaa da’aadda 100-sano iyo kabadan, macallinka waxa uu waagii hore heyn jiray dugsiyo Qur,aanka kariimka ah lagu barto, howlihiisa shaqana waxaa ugu horreeyay Qur,aanka oo maalin walba waqtiyo kala duwanuu akhrin jiray.

“Habeenkii marka ay tahay 3-da ama sagaalka saac ee waabbariga ayuu waligiis soo kici jiray, waxaa qolkiisa laga maqli jiray isagoo Qur,aanka akhrinaya, waxa uu ahaa qof waqti badan ku bixiya akhrinta Qur,aanka kariimka ah” ayuu BBC u sheegay wiilku.

Dhinaca kale eheladu waxa ay noo sheegeen in ay Macallinka ay guriga u yaalleen loox, qad, iyo qalin uu xilli walba ku qori jiray Qur’aanka.

Maxamed oo ka hadlaya sababta uu macallinku u isticmaali jiray qadda iyo looxa xitaa isaga oo aan markii dambe macallin dugsi ahayn ayaa yiri:

“Waan weydiin jirnay sababta uu maalin walba u qoro isaga oo looxa isticmaalaya haddana uu Qur,aanka oo dhan xafisanyahay, waxa uu dhihi jiray, ‘waxa aan rabaa in aan dhinto aniga oo qalin qoyan ah’”.

Maxaa la arkay marka uu qabrigu dumay?

Roobabka mahiigaanka ah ee gudaha dalka ka da’ay ayaa sababay in uu dumo qabriga, walow qabuuro kale oo ka ag dhowaa kan macallinka aysan dumin.

Maxamed Muxumad oo ah wiilka uu awoowaha u yahay ayaa ka sheekeeyay wixii ay arkeen markii la tagay qabriga, isagoo yiri, “ Macallinka qabrigiisa waxaa loogu tagay isaga oo ah sidii loo aasay, waxa la arkay iyadoo karfantiisi aysan hal meel ka dillaacsaneyn, jismigiisa sidoo kale waxa uu ahaa sidii maalintii la’aasay uu ahaa, kaliya ruuxda ayaa ka maqneed, wax walba oo calaamad ah oo uu lahaa maalintii la’aasayay waa ay ka muuqdeen”.

Ehelka ayaa sidoo kale noo sheegay in sheikha inta uusan dhiman uu ahaa nabadoon si weyn looga qaddariyo guud ahaan degmada, isaga oo in badan ka qayb qaatay nabadeynta khilaafyo iyo waxyaabo kadhex dhacay bulshada deegaanka.

Maxaa lagu ogaaday baaritaanka cusub ee lagu saameeyay meydka iyo xabaalaha?

Si ka duwan sida ay rumaysan yihiin dadka badankiis, geeridu ma aha dhamaadka hanaanka jirka ee ka kooban unugyada iyo xubnaha.

Khubarada cilmiga Baayolojiga ayaa daboolka ka qaaday sida bakteeriyada aysan ishu qaban ee caloosha ku jirta ay u sii noolaato sanooyin kale marka uu qofku geeriyoodo.

Daraasad la sameeyey ayaa sheegaysa in 36% dadka Ameerikaanka ah ee meydkooda la aaso ay faa’iido u leeyihiin deegaanka, kuwaasoo cunto u noqda boqolaal nooc oo kale oo noole ah.

Ili ma qabatada caloosha ku jirta oo ay ka mid yihiin bakteeriya, faayras iyo fungi ayaa si noolaan kara bilo ama sannado ka dib marka hilibku dhamaado.

Saynisyahanno ka tirsan jaamacadda Tennessee, ayaa hanaanka caadiga ee is-beddelaka jirka meydka uu maro ku sameeyey sheybaar, ayadoo la isu keenay nooca ciidda qabriga laga helo iyo ili ma qabatada.

Waxay ili ma qabatadaas sii noolayd xataa markii ay ogsijiin weyday, ayadoo quudanaysay karboohaydareetka, borotiinka iyo dufanka jirku kaydiyo.

Taa marka laga yimaado, waxay ili ma qabatadu la fal-gashaa noolayaal iyaga la mid ah oo ciidda ku jira, kuwaasoo dedejiya is beddelka jirka meydka, ayadoo is beddelkaas jirka ka dhigaya sidii warshad dib u hagaajisa wasakhda oo noole kale uu ka faa’iido.

Dhiigga ogsijiinka leh ee jirka ku dhex wareega ayaa istaaga marka uu qofku naf-baxo, waxaana billowda hanaan unugyada jirka marka ay waayaan ogsijiinka ay iyagu is cunaan.

Urka ka soo baxa meydka marka jirku is beddelo ayaa ah mid ka dhashay bakteeriaya cunaysa tamarta hanaankaas ka dhalanaysa ee aan u baahanayn ogsijiinka.

Share.

Leave A Reply