Weerar bambaano oo ka dhacay masaajid ku yaala Afgaanistaan

66

Weerar bambaano oo ka dhacay masaajid ku yaala waqooyiga dalka Afgaanistaan ​​

 

ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof oo ku tukanayay salaadii duhurnimo, waxaana ku dhaawacmay todobo kale, sida ay booliisku sheegeen.

 

Qaraxan ayaa ka dhacay gobolka Qunduuz ee woqooyiga dalkaasi oo ah degmo bishii April lagu dilay tobonaan qof oo ku cibaadeysanayay weerar bambaano oo sidan oo kale ah.

 

Afhayeenka booliiska gobolka Qari Obaidullah Abedi ayaa sheegay in hal qof oo cibaadeysanayay lagu dilay qaraxii Jimcihii ka dhacay Masjidka Alif Birdi ee degmada Imam Shahib.

 

“Waxyaabaha qarxa waxaa la geliyay gudaha masjidka.

 

Qaraxa ayaa dhacay xilli ay dadka cibaadeysanayeen ay tukanayeen salaadda Jimcaha,”

Dhakhaatiirta isbitaalka gobolka ayaa xaqiijiyay dhimashada iyo dhaawaca.

 

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here