Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Facebook Twitter Instagram
    Facebook Twitter Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Monday, March 27
    • Home
    • Wararka
    • Ciyaaraha
    • Arimaha Bulshada
    • jecelka
    • Caafimaadka
    Radio HalganRadio Halgan
    Waxay igu qaadatay 10 sano in aan sameeyo filim Soomaali ah oo guulaysta”
    Arimaha Bulshada

    Waxay igu qaadatay 10 sano in aan sameeyo filim Soomaali ah oo guulaysta”

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 31, 2023No Comments4 Mins Read0 Views
    Share Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Filimka lagu magacaabo “Xaaska xabaal qodaha” ee uu sameeyay Khadar Axmed, ayaa loo xushay in uu noqdo filmkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee qayb ka noqda tartanka abaalmarinta Oscars sannadkii 2021.

    Filimkan oo ay jilaayaasha ku jira ay dhammaantood ahaayeenn Soomaali ayaa la sameeyay sannadkaas, waxaana lagu baahiyay qaar ka mid ah dalalka Caalamka.

    Filimka oo uu soo saaray Khadar Cayduruus Axmed, waxaa la sheegay in uu ku saabsan yahay qiso dhab ah oo 10 sano ka hor ku dhacday qoyskiisa. Qaar ka mid ah soo saarayaasha filimka ayaa ahaa ajaaniib.

    “Dad badan wuxu uu yahay keli ah Filim, laakiin bulshada Soomaalida ee aan weligeed filim afkooda ku baxaya oo caalami ah arag, iyaga wuxuu u yahay khibrad mar la arag ah” ayuu yidhi Khadar Caydaruus oo ah soo saarihii filimkaas.

    Khadar ayaa sida oo kale ku dooday in uu daawaday aflaam badan oo laga jilay Soomaalida balse dhammaantood metelayaashii jilayey sina ulama ay xidhiidhin Soomaalida. Taas oo uu sii raaciyey in ay tahay waxa ku kellifay in uu filimkan sameeyo.

    “Aflaamtaasi waxay ahaayen wax nagu saabsan, halka dhanka kalena aanay innagii ahayn cidda sheekada tabinaysaa’ ayuu yidhi Khadar oo u warramayey BBC-da.

    Sida uu Cumar Cabdi oo ah jilaaga koowaad ee filimkan ahi uu sheegay markii ugu horreysay sheekada filimkan waxaa la qoray 2010, waxaana ay soo baxday toban sano kaddib, isaga oo ku sababeeyey in ay intaaba la isku dayey in la diyaariyo kharashkii ku baxayey filimkaas, si uu noqdo mid guulaysta.

    “Muddadi dheer ee tobanka sano Khadar waa uu u helikareyey in filimkani luuqad kale ku soo baxo, laakiin waxa uu u dagaallamayey oo rumaysnaa in luuqaddiisa hooyo uu ku soo baxo” ayu yidhi Cumar.

        Muxuu yahay Filimkan?

    Waxaa markii ugu horreysay lagu soo bandhigay dalka Canada., waxaana jilay dhalinyaro Soomaali ah. Goobtii ugu horreysay ee lagu soo bandhigay waxaa filimka lagu gudoonsiiyay abaalmarin.

    Filimkan oo loogu magac daray ‘xaaska xabaal qodaha’ ayaa lagu jilay luqadda Soomaaliga isla markaana looga hadlayo qoys Soomaaliyeed oo danyar ah iyo marxaladaha kala duwan ay nolosha kusoo mareen iyadoo uu jeceyl dhexyaallo.

    “Filimka waa xaaska xabaal qodaha,waa qiso uu qoray nin aan walaalo nahay oo Khadar Ceydaruus Axmed la yiraahdo, waa qiso Soomaaliyeed oo Soomaali lagu hadlayo waa filin qof kasta uu daawan karo waana sababta keeneysa in adduun weynaha uu wareego,” ayuu yiri, Cumar Cabdi oo kamid ah jilaayaasha filinka.

    Wuxuu ka shekeynayaa qoys Soomaaliyeed oo sabool ah oo ay la soo deristay dhibaato dhanka nolosha ah oo u adkeystay sidii uu uga gudbi lahaa caqabaddaas inkasta oo aysan heysan dhaqaale ay ku maareeyaan arrintaas.

    Waa filim taabanayo jaceylka xiddideystay ee ka dhex jira qoyska saboolka ah iyo sida uga go’antahay badbaadinta hooyada la daalaa dhaceysay xaaladda caafimaad darro.

    “Waa qisada hooyo, aabe iyo canug yar oo ay dhaleen, qisada ay xambaarsan tahay waxay ina tusineysaa jaceylka in meel walbo uu dhex yaallo, nolosha farxadda ah in cid kasta ay yeelan karto laakiin lagu kala duwan yahay marka xaaladaha qaar yimaadaan. “

    Filimka ayaa diiradda saaraya sheekada nin xabaal qode ah oo sabool ahaa iyo sida uu dadaal ugu galay badbaadinta xaaskiisa oo kiliyaha ka xanuunsatay, inkasta uu la daalaa dhacayay maareynta qoyskiisa haddana wuxuu raadiyay dhaqaale uu ku baadigoobayo in xaaskiisa caafimaad hesho.

    Ka sokow noloshaas adag waxaa weli sii xoogeystay jeceylka dhexyaallo lamaanahan.

    Filimkan waxaa laga soo dhex xushay kumanaan aflaam ah, wuxuuna kamid ahaa filimadii lagu abaal mariyay Canada.

    “Filimkayagan laguma dooran filim Soomaali ahaan , waxaa lagu doortay tayada filimka gaar ahaan asalnimadiisa iyo qisadiisa, marka in aan kamid noqono bulshada inta ay tartanto ku guuleysata, 5000 filim laga soo dhex xula”

    Cumar Cabdi wuxuu sheegay in filimka uu soo bandhigayo muuqaalka dhabta ah ee dadka Soomaalida si aanan loo soo gudbin wararka la xiriira dhibaatooyinka ka dhaca dhulka Soomaalida.

    “Anagu waxaan dareensanahay Soomaalinimo in anagoo Soomaali aan heerkaa gaarno, wixii looga bartay ay caalamka kasoo daaynayeen ama mar haku tilmaamaan burcad badeed…in dadkayagu aan tusno in dhaqan, dal iyo dad wanaagsan aanu leenahay”

    BBC SOMALI

    Share. Facebook WhatsApp Twitter Telegram
    Previous ArticleSaddexda magac ee sida weyn u qabsaday suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo maanta xirmaya
    Next Article Biden oo meesha ka saaray in diyaaradahisa F-16 uu dirayo Ukraine

    Related Posts

    Ciidamadii lagu soo tababaray Eritrea oo kasoo gadooday furimaha dagaalka

    March 20, 2023

    Todobaatan jir guursaday gabar 11 sano jir ah iyo falcelin adag oo ka dhalatay

    March 19, 2023
    Lates News

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • TikTok
    • WhatsApp
    • Twitter
    • Instagram
    Popular News

    Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo Muqdisho ka dhacay + Bartimaameedka

    February 23, 2023

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xalay ka dhacay qaybo kamid…

    Dad lagu dilay Maraykanka & Dableygii oo la qabtay

    February 18, 2023
    Most Popular

    DEG DEG Cali Jeyte Guddoomiyaha Hiiraan oo muddo kaddib Beledweyne kuso laabtay

    March 25, 202332 Views

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 202327 Views

    Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland & kuwa deegaanka oo ka qarxay duuleedka Magaalada Laascaanood.

    March 26, 202326 Views
    Our Picks

    Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Beledweyne Somalia

    March 26, 2023

    MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    March 26, 2023

    19 muhaajiriin ah oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Tunisia

    March 26, 2023
    Radio Halgan
    Facebook Twitter Instagram YouTube WhatsApp TikTok
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2023 Radio Halgan. Designed Saitco Ict Solution

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.