Waxaa laga yaabaa in aad ka mid tahay dadka badan ee ku dhiban inay helaan hurdo fiican oo ku filan habeenkii, sababtoo ah dhowr jeer ayay ku qasbanaadaan inay usoo toosaan suuliga
Waa arrin dad badan ka cawdaan, laakiin ay iska fududeystaan maadaama aysan dhakhtarka tegin. In aad wax ka badan hal mar habeenkii aad usoo toosto kaadi, ma ahan astaan caafimaad, si gaar ah haddii aad tahay qof dhalinyaro ah, sida laga soo xigtay xarunta cilmibaarista caafimaadka ee International Continence Society.
Arrinkan oo saameeya tayada hurda iyo firfircoonida qofka ee maalinkii ayaa waxa uu saameeyaa kala bar dadka ka weyn kontanka sano. Laakiin xitaa waxay saameysa dhalinyarada lab iyo dhedig ba.
Marka laga hadlayo sababta koowaad, awoodda iyo cabirka kaadiheysta waa 300-600 ml. Taas waxaa keeni kara inay yaraanto awoodda heyn iyo keydin labo arrin.
Isbedelka Jireed: Ragga tan inta badan waxaa u sababa canjirka ‘prostate’ oo aan fiicneyn. Haweenka na waxaa ugu wacan buurnaanta iyo soo-baxa xubnaha miskaha.
Arrimahaas waxa sababa dhibaatooyin sida xanuunka kaadiheysta firfircoonida iyo infekshinka Cystic. Taas waxay horseedaa kaadida oo kororta xilliga hurdada, waxaa na qeyb ka ah sababaha isbedelka ku yimaada hormoonka dadka.
Mar kale, waxaa la la xiriirshaa sonkorowga, wadna xanuunka, dhiig karka, cabitaanka xad dhaafka ah ee fiidkii, kafeyn iyo tubaakada. Intaa waxaa dheer, dhibaatooyinka soo raaca daawooyinka qaarkood oo keeni kara kaadida oo kororta, iyo waxyeelada kaadiheysta.
Qof walba oo isku arka astaamahan iyo kuwo u dhow waxaa la gudboon in uu tago dhakhtarka si uu u helo talo iyo daweyn ku habboon.
Arrin kale oo cilmibaarisyo cusub ay muujiyeen waa in dadka habeenkii soo toosa iyaga oo doonaya in ay suuliga galaan inay u baahan yihiin inay yareeyaan milixda cuntadooda ku jirta. Hurdo xumida noocaan ah waxay si weyn u saameyn kartaa nolosha dadka.
Daraasad lagu sameeyay in ka badan 300 oo mutadawiciin ah, cilmi baarayaashu waxay ogaadeen in qaadashada milixda oo yaraatay ay keentay in dadku ka maarmaan inay marar badan usoo toosaan kaadi.
Talada ah in la raaco oo la qaato cunto isu-dheelitiran oo ay cusbadu ku yartahay ayaa ka caawin karta in qofku hagaajiyo tayada hurdada habeenkii, iyo in laga maarmo hurdo kasoo tooska badan, sida ay ku taliyeen dhakhaatiirta. Cilmi-baarayaashan oo ka socday jaamacadda Nagasaki ayaa natiijadooda ku soo bandhigay shirweynaha ururka Yurub ee Urology ee London.
Waxay daba socdeen bukaanno ay milixdu ku badan tahay iyo dhibaatooyinka hurdada muddo saddex bilood ah, ka dib markii ay siiyeen talo ah inay yareeyaan milixda cuntadooda.
Celcelis ahaan, hal qof keliya ayaa u baahday in uu habeenkii usoo tooso kaadi wax ka badan laba jeer, marka la barbardhigo dadkii kale oo dhan. Waxaa sidoo kale hagaagtay tayada noloshooda iyo hurdadooda.
Taas beddelkeeda, 98 qof oo qeyb ka ahaa daraasddan ayaa qaatay cunto ay ku jirto cusbo ka badan inta cuntadooda ku jirta dad kale ee daraasada qeybta ka ahaa, iyaga oo u baahday oo ku qasbanaaday inay marar badan suuliga usoo toosaan habeenkii. “Shaqadani waxay muujinaysaa suurtagalnimada in wax ka beddelka cuntada fudud uu si weyn u wanaajin karo tayada nolosha dad badan,” ayuu yiri Dr Matsuo Tomohiro oo ah qoraaga daraasadan.
Prof Marcus Drake, oo ah khabiir ku takhasusay cilmi-nafsiga oo ka tirsan jaamacadda Bristol, ayaa sheegay in xadiga milixda ee dadku cunaan aan guud ahaan loo qaadan inay sabab u tahay xanuunkan oo loo yaqaan nocturia.
Caadi ahaan, takhaatiirtu waxay u janjeeraan inay diiradda saaraan mugga bukaannada biyaha cabba ka hor wakhtiga jiifka iyo dhibaatooyinka kaadiheysta iyo qanjirka ‘prostate’ (ragga), ayuu yiri.
“Halkan waxaan ku haynaa daraasad faa’iido leh oo muujinaysa sida aan ugu baahannahay inaan tixgelinno dhammaan saameynta si aan u helno fursadda ugu fiican ee horumarinta calaamadaha.”
Caddiga cusbada ay tahay in aan laga badsan, iyo cuntooyinka ay cusbada ku badan tahay
Dadka waaweyn ee ku nool Boqortooyada Midowday ee UK waxaa lagula taliyaa inaysan qaadan wax ka badan 6g oo milix ah maalintii, oo u dhiganta 2.4g oo sodium ah. Carruurtu waa inay qaataan wax ka yar – kaliya 2g oo milix ah da’da hal ilaa saddex jir, taas u kororta ilaa 5g carruurta todoba ilaa 10 jir ah. Kadib da’da 11, caruurtu waxay qaadan karaan ilaa 6g.
Sidaas si la mid ah, waa in la ogsoonaado in rootiga iyo waxyaabaha warshadeysan oo dhan waxaa ku jiri kara milix ka badan inta aad u malaynayso. jiiska, maraqa iyo baastada ayaa sidoo kale milixdu ku badan tahay.
Markaad cunto warshadeysan iibsanayso, fiiri tilmaamaha waxa uu ka kooban yahay sheygaas, iyo caddiga milixda 100 g ee baakadaha. Cuntooyinkaan waxaa laga yaabaa inay yihiin kuwo la midab rogay.
BBC