Waxaa Maalintii Seddaxaad galay howsha shaqo ee la xariirta Dib-u-dayactirka Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne.
Ku-simaha Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ahne guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo Siyaasadda gobolka Hiiraan Xasan Ibraahim Cabdulle oo aay wehliyaan Mayarka Beledweyne Nadar Tabaax Maalin isu-duwaha wasaaradda Maaliyadda gobolka Ciiloow Joobane Cawaale ayaa kormeeray hannaanka shaqada garoonka u socota.
Maamulka gobolka gobolka Hiiraan oo taakulo ka helaya wasaaradda gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukumadda Soomaaliya ayaa iska kaashaday dayactirka garoonka oo hadda meel wanaagsan mareeysa.