Maxaas(Radiohalgan.com)-Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali  (Sanbaloolshe) oo kaashanaya guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane iyo Ganacsatada kala ah Ibraahim Cabdi Dhaay iyo Bishaar Afeey ayaa dhameeyay mad-madow u dhaxeeyay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo hoggaamiye Cali Jeyte Cismaan.

Xildhibaan Sanbaloolshe oo muddo u cara jiifay heshiiska labadaasi masuul ayaa ugu dambeyn ku guuleestay.

Wasiirro iyo Xildhibaanno qilaafka labadaasi masuul qeyb ka ahaa kala irdhoodkoodana xal u arkay, ayaa tani aaysan u aheyn war farxad leh madama qilaafka aay abuureen xalin waayeen isla markaana dib ugu  laabteen Muqdisho, balse qilaafkii jiray uu xalliyay Xildhibaan Sanbaloolshe.

Waxaa mar kale lagu ballamay in loo midoobo howlgalka ka dhanka ah AS ee kasocda Hirshabelle iyo Galmudug,taasi oo qeyb ka ah fulinta balamihii lala galay Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo dhawaan gaaray degmada Maxaas.

Wariye Mohamed Ibrahim siyaad

Share.

Leave A Reply