Wasiirrada Arrimaha Dibadda Waddamada ku midoobay Ururka Jaamacadda Carabta ayaa maanta oo Arbaco ah kulan degdeg ah oo guud ahaan uga arrinsanayaan xaaladda ka taagan Gaza ku yeelanaya Magaalada Qaahira xarunta Dalka Masar.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Carab Masar ayaa sheegtay in kulankaan aan caadi ahayn looga doodi doonno soo jeedinta waddamada carbeed ee xalka looga dhigi karo dhiigga ku daadanaya Bariga Dhexe.
Fadhiga waxaa lagu dhageysan doonnaa soo jeedinta la xiriirta qorshaha lagu raadin karo xalka xabadda ka socota Magaalada Gaza sida ay xaqiijiyeen diblumaasiyiin ku dhow shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Waddamada Carabta.
Dalka martigelinaya shirka iyo waddamada ka qaybgalaya ayaa ku kala qaybsan marka la eego dagaalka ka socda Bariga, wasiirrada qaar ee madasha tagaya waxa ay Dowladahooda heshiis horay ula galeen Israaiil halka qaar kale ay garab taagan yihiin Falastiin.
La soco wixii kasoo kordha.