Wasiirka Maaliyadda XFS oo sheegay in Danjiraha UK ee Soomaaliya ay kawada hadleen horumarinta dahqaalaha Dalka

157

Wasiirka Maaliyadda XFS Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo la kulmay Danjiraha UK ee arrimaha Soomaaliya & Ergayga Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Arrimaha Geeska Afrika & Badda Cas ayaa kawada hadlay horumarinta Maaliyadda iyo dib u habaynta hannaanka Dhaqaalaha Soomaaliya

Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Danjire Kate Foster ay ballanqaaday in ay taageerto hannaanka dib u hagaajinta maaliyadda Soomaaliya si dhaqaalaha Dalka uu is baddel u sameeyo maadaama uu socdo qorshaha deyn Cafinta.

Halka Wakiilka Arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas, Philip Parham uu bogaadiyay taageerada Soomaaliya ay u baahan tahay in ay uga gudubto duruufaha kala duwan ee horyaalla oo ay kamid tahay horumarinta maaliyadda iyo in dib u habayn lagu sameeyo Dhaqaalaha.

“Waxa aan kulan muhiim ah la qaatay masuuliyiinta Dowladda UK oo kala ah Kate_Foster Safiirka iyo Wakiilka Arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas Philip_Parham. Waxa aan ka wadahadlanay sii wadidda taageerada horumarineed ee Maaliyadda iyo dib-u-habaynta hannaanka dhaqaalaha Soomaaliya” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Maaliyadda XFS oo qoraalkaan soo dhigay bartiisa Facebook.

Soomaaliya ayaa ku howlan buuxinta shuruudaha la hordhigay oo haddii ay kasoo gudubto diilintaas laga cafinayo deynta isla markaana ay fursad u heleyso in mashaariic kala duwan lagu gacansiiyo sida ay sheegeen Hay’adda Lacagta Adduunka IMF & Bangiga Adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here