HomeMogadishuWasiirka Maaliyadda Soomaaliya & Wasiirka Horumarinta Caalamiga ee Canada oo kawada hadlay...

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya & Wasiirka Horumarinta Caalamiga ee Canada oo kawada hadlay dhammeystirka arrimaha Deyn Cafinta.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ka qaybgalaya Shirka ka socda Magaalada Sharma Sheekh ee Jamhuuriyadda Carabta Masar ayaa kulamo gaargaar ah la qaatay qaar kamid ah madaxda ka qaybgaleysa shirkaas.

Wasiir Cilmi Maxamuud ayaa la Kulmay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Canada Harjit Sajjan oo ay kawada hadleen hannaanka is baddelka dib u habeynta Maaliyadda Soomaaliya & dhammeystirka arrimaha Deyn Cafinta.

Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Canada u sheegay in Soomaaliya ay xoogga saartay buuxinta shuruudaha deyn Cafinta si looga dhaafo lacagta lagu leeyahay waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhiggiisa Wasiirka Horumarinta Caalamiga Canada Harjit Sajjan ayaa tilmaamay in Dowladdiisa ay garab istaageyso Soomaaliya inta ay awooddo waxaana uu bogaadiyay dedaalka xooggan ee Dowladda Federaalka saartay arrimaha deynta Cafinta.

Soomaaliya waxaa horyaalla Shuruudo kala duwan oo looga cafin karo Deynta lagu leeyahay haddii ay kasoo baxdo isla markaana fursad loo siin doonno in la siiyo fursado maalgashi si dhaqaaleeda kor ugu soo qaaddo.

Must Read

spot_img