Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Bixi Imaan Cige oo maanta shir jaar’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka warbixiyay halka uu marayo barnaamijka dib-u-habeynta maaliyadda iyo waxyaabihii ka soo baxay kulamadii uu la yeeshay madaxda Bankiga Adduunka iyo IMF oo toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Marrakesh ee dalka Morrocco.
Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo ka hadlay hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya halka uu marayo iyo sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’antahay ka miro-dhalinta in la gaaro guusha Deyn Cafinta. Wasiirka ayaa sheegay in Dakhliga gudaha dalka uu horumar wayn sameeyay bilihii ugu dambeeyay taasi oo ah guul wax ku ool ah oo laataban karo.
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dakhliga dowladda uu ku filnaaday Mushaaraadka joogtada ah ee Dowladda, haddana ay ku dadaalayaan qorsheyaasha ku aadan sidii ay Dowladdu ugu filnaan laheyd kharashaadka lagu socodsiiyo howlaha xafiisyada.
Sidoo kale Wasiir Biixi ayaa ka dhawaajiyay in wadashaqeynta Hey’addaha Maaliyadda caalamiga ah ee taageera Soomaaliya iyo adduunka kaleba ay kalsooni wayn ku qabaan in Soomaaliya ay ka mira-dhaliso Geedi Socodka Deyn Cafinta Soomaaliya oo hadda maraya heer gabagabo ah.
Ugu dambeyn Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya waxa uu sheegay in soo bandhigista xogta guud ee Maaliyadda iyo ka qayb qaadashada dadweynaha ee arrimaha Dhaqaalaha ay fure u tahay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda, isla xisaabtanka, daah-furnaanta iyo Dowlad wanaagga.