Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Hirshabeelle Marwo Aisha Khalif Mohamed ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Caasimada KMG Ah ee Maamulka Koonfur Galbeed kaga qeyb gashay daahfurka Shirka Madasha iskuwidda Arrimaha Bini’aadanimada – 𝗛𝗖𝗙 oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA.

Shirkaan waxaa ka qeybgalay,Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac,Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle, Wasiiradda Wasaaraddaha Gargaarka Dowladd Goboledyada Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed,Gobolka Banaadir iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Ujeedka ugu weyn ee Shirkaas ayaa ah xaaladda El-NiƱo ee hadda soo food saartay dalka.

maadaama hirshabelle ay kamid tahay deeganada loo saadaalinayo in duufaanta El-Niño ku dhufuto. Degaanada uu ka maro wabiga shabelle ayaa laga dareemayaa sare u kac ku yimid biyaha wabiga qaasatan Mahadaay & Jowhar madaama qeybo ka mid ah degmada mahadaay uu ku dhufay fatahaada wabiga shabelle, taas oo sababtay in xaafadaha degmada mahadaay qeybo kamid ah laga barakacay & tuulooyinka hoos yimaado.waxaa sidoo kale looga wadahadlay xaaladaha bini’aadantinimo ee ka jira Soomaaliya iyo Xasilinta deeganada la xureeyay.

Share.

Leave A Reply