Wasiirka Gargaarka Hirshabelle Marwo Caa’isha Khaliif ayaa magaalada Muqdisho kaga qeyb gashay warbixin lagu qiimeynayay sida Soomaaliya ay ugu diyaarsan tahay ugana jawaabto xaaladaha degdega ah ee ka dhasha musiibooyinka, kaasi oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA. .

Mashruucan waxaa maalgeliyay Bangiga Adduunka, iyadoo u soo dhexmarsiin doonto Mashruuceda ka Soo-kabashada Xasaradaha Soomaaliya (SCRP).

Waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Wasiirada Gargaarka Dowlad Goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir iyo dhammaan deeq bixiyayaasha iyo dadka ku howlan gurmadka deg dega ah.

Share.

Leave A Reply