Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ku sugan magaalada Ceel lahelay ee gobalka Galgaduud ayaa ugu baaqay Shacabka laga saaray Magaaladaan in ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

Warkooban oo ay faafisay Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa lagu sheegay in Wasiirka uu ugu baaqayo shacakii ku noolaa Magaalooyinka Ceel lahelay iyo Ceel-garay oo kawada tirsan Gobolka Galgaduud ee Al-Shabaab guryahooda ka saareen in ay dib ugu soo laabtaan.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay ciidanka dowladda iyo guud ahaan dowladda in ay u taagantahay caawinta iyo garab istaaga dadka deegaanka.

“Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale aad u bogaadiyay Geesiyaasha dadka deegaanka ee sida buuxda u garab taagan Ciidanka Qaranka oo guulo waa weyn ka gaaray dagaalka Al-Shabaab,” sida lagu yiri warka ka soo baxay dowladda.

Hadalka ka soo yeeray Wasiirka difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku soo beegmayaa iyada oo muddooyinkii dambe ay dowladda waday dadaalo ay dib ugu qabsaneyso deegaano gacanta dowladda ka maqnaa muddo sanado ah.

Share.

Leave A Reply