Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo wasiirka Gaashaandhiga XFS iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan  Galmudug, ayaa kormeer kusoo maray magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug, asagoona u kuurgalay xaalada nololeed ee bulshada reer Xarardheere ee dib ugu soo laabtay magaalada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeer ku tagay xarumaha dowladda ee bixiya adeegga bulshada sida xarunta degmada, Isbitaalka magaalada iyo saldhiga Booliska degmada Xarardheere.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa siwadajir ah u sheegay inay sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Kormeerkaan amni ee Wasiirka Gaashaandhigga iyo Madaxweynaha Galmudug ay ku sameeyeen degmada Xarardheere ayaa wararka aan helnay ay sheegayaan in looga gol leeyahay diyaar garowga wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya oo dhawaan ku wajahan.