Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ku baaqay in la kordhiyo taageerrada loo muujinayo ciidamada ku jira howlgallada ka dhanka ah ‘AS’.
Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in guud ahaan Madaxda heer federaal & heer Dowlad-Goboleed ay ka go’an tahay sidii loosoo afjari lahaa dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid gabagabo ah.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in uu tegay furimaha dagaalka si loo dhiirrageliyo ciidamada iskaashanaya ee Federaalka, Daraawiishta iyo kuwa Deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda oo guullo muuqda ka sameeyay deegaannadii ay duullaanka ku qaadeen.
Dagaalka tooska ah ee lagu beegsanayo ‘AS’ ayuu shaaciyay in ay barbar socdaan dagaallo kale oo dhanka Fikirka & dhaqaalaha ah oo isbaddel muuqda ku keenay weerarrada ‘AS’ ay ka geysanayeen deegaannada laga qabsaday.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in kacdoonka ka dhanka ah ‘AS’ ay dardargeliyeen Madaxda Dowladda oo uu ugu derajo sarreeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.