Wasiir hore Dr. Cabdullaahi Godah Barre ayaa yiri Waxaan aad iyo aad u bogaadinayaa shacabkii geesiyada ahaa ee shalay weerarka aargoosiga ah ku qaaday nabad-diidka aragagixisada Al-shabaab

385

Waxaan aad iyo aad u bogaadinayaa shacabkii geesiyada ahaa ee shalay weerarka aargoosiga ah ku qaaday nabad-diidka aragagixisada Al-shabaab ee fadhigoodu yahay deegaanka Booco. Waxay argagixisadu dileen Nabadoon/Samafale Alle ha u naxariistee Cali Macallin Maxamuud oo ahaa shaqsi ahlu diin ah, cibaado badan, nabadoon aad looga yaqiinay magaalada Baladweyne.

Ehelka nabadoonka waxay fureen jid cusub oo u baahan in lagu dhiirrado, loogana deysado. Waa in loo aargudaa dhammaan haldooradii iyo nabadoonadii ay naga dileen argagixsadu, looguna tagaa goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Waxaan bogaadinayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Hiiraan gurmadka ay shalay u fidiyeen geesiyada is abaabulay ee taariikhda galay.

Waxaan ka codsanayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya in ay taageerto, isla markaana dhiirrageliso shacabka u istaagay in ay iska xoreeyaan qolyaha nabad-diidka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here