Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in sannadka dambe dadweynaha magaalada Muqdisho ay soo dooran dooranayaan guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.
Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlaya arrintaas ayaa yiri, “Sanadka soo socda 30 June, ayaan damacsannahay in degmooyinka gobolka Banaadir ay u dareeraan doorashooyinka, oo guddoomiyaal la soo doorta, si ay xilalka ugu wareegaan.”
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in gobolka Banaadir uu yahay gobolka ugu yar gobollada dalka balse uu yahay gobolka ugu dadka badan, “Gobolka Banaadir waa u bucdii, dadbadan waa ay ku nool yihiin, gobolka ugu dadka badana ayaa la dhihi karaa Soomaaliya oo la’isugu aruuray, ha ugu baaxad yaraado waa ugu dad badan yahay, khilaafaadka baaxadda dhulka kuma xirna ee dadka ayuu ka dhex dhashaa.”
Dhanka kale Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in gobolka Banaadir iyo maamulka Koonfur Galbeed ay noqon doonaan goobaha ugu horreeya ee ay ka dhacaan doorashooyinka, isaga oo xusay in ay u tahay dowladda farxad.
Hadalkaan ayuu Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ka sheegay Aqoon Isweedaarsiga xog uruuriyaasha hannaanka khariidadeynta isku dhacyada ka dhaca gobolka Banaadir, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho.