Wasiirka Amniga DG Jubbaland Gen. Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal ayaa sheegay in Dowlad-Goboleedkiisa uu diyaariyay abaabul ciidan oo ka dhan ah ‘AS’ si looga qabsado deegaannada ka maqan maamulkaas.

Gen. Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal ayaa Ciidamada ku dhiirrageliyay in ay ka go’naato duullaanka ay ku wajahayaan Magaalooyinka muhiimka ah ee ‘AS’ maamusho si howlaha maamulka loo gaarsiiyo.

Ciidamada ku sugan Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose ayuu sheegay in ay u jiheysanayaan Gobolkaas oo Degmooyin ka maqan & Gobolka Jubada Dhexe oo guud ahaan ‘AS’ Maamusho.

“Howlgalkaan waxa aan dooneynaa in aan isaga sifeyno nimankaas khawaariijta argagixisada ah, waxa ay dhibaato ku hayaan Dadkeena Miyi iyo Magaalo, Dadku way dhimanayaan oo alle ayaa ku xukumay waxaana wanaagsan in aan xorriyad ku noolaano oo aan iska dulqaadno ‘AS’ oo aan ka saarno meelaha ay joogaan” Wasiirka Amniga DG Jubbaland Gen. Yuusuf Dhuumaal.

DG Jubbaland ayaa sheegtay in ay diyaarisay Ciidamo Booliis & Nabadsugid ah oo la wareegaya amniga deegaannada Ciidamada Daraawiishta & Kuwa Federaalka ay ka qabsadaan ‘AS’ si ay uga shaqeeyaan xasiloonida.